Xidhiidhka ka Dhexeeya Awooda Maamul iyo Cimri Dhererka Qofka

0
2519

. Waxa soo Ururiyey Cabdilaahi Beershiya …….. c.persia@hotmail.com

Waxa igu dhaliyey inaan qormoyinkan soo ururiyo ka dib markii aan akhiryey buug uu qoray aqoonyahan lagu magacaabo Xamdi Al- Kunaysi oo u dhashay wadanka Masar, buugaasi oo uu kaga waramayo saamaynta ka dhaxaysa cimri dhererka iyo maamulka.

Waxay ahayd markii ugu horeysay ee aan buuggan akhriyo bishii saddexaad ee sannadka 2014-ka in kasta oo sannadkii hore badhtamihiisii uu buuggani gacantayda soo galay oo aanan fursad u helin inaan akhriyo oo ay sabab u ahayd nin aanu saaxiib nahay oo iga ergistay muddo badan iga haystay.

Muuqaalka guud ee buugga oo ay ku sawiran yihiin dad intooda badan shicibkoodu u neceen xukunka ay haysteen sida Fiidal Kaastaroo madaxweynihii Kuba, Mucamar Alqadaafi madaxweynihii Liibiya ee la dilay, Xusni Mubaarak Madaxweynihii Masar, boqorka Sucuudiga boqor Cabdalle, madaxweynihii Yaman Cali Cabdla Salax iyo madax kale oo reer galbeed ah ayaa waxay ka dhigayaan buuggan in aanad ku degdegin akhriskiisa waayo waa odayaal laga wada dheregsan yahay meelaha ay dadkoodii isla mareen.

Qoraaga buugga laftiisu oo ahaa mid ka mid ah dadkii u qaabilsanaa madaxweynihii Masar Mr. Xusni Mubaarak dhinaca warbaahinta laftiisu wuxuu buugga ka dhigayaa inuu aad u buun buuniyo nimankii la mid ahaa madaxweynihiisa laakiin wuxuu ku sameeyey qaybaha hore ee buugga hor dhac aqoon badan iyo waayo-aragnimo ballaadhan ka muuqato iyo xaqiiqooyin dunida ka jira, aniguna waxa aan ka soo qaadan doonaa qaar ka mid ah xaqiiqooyinkaasi sidoo kalena waxa aan ku ladhi doonaa maqaalo iyo darasado kale oo arrintaas laga sameeyey.

Waxa iga xasuusin ah in aan xagga dambe ee qormooyinkan ku soo gudbin doono marjica amma mus dambeedka aan ka soo saaray qoraaladan. Hadaba aqoonyahanka buugan qoray oo ka waramaya sababta ku dhalisay inuu qoro buuggan waxa uu yidhi; “arrin kadiso ah oo mar ku soo martay ayaa ka qiimo badan kun jeer boqolaal dhacdo oo aad si caadi ah ula noolayd, waxaan aad uga helay habeen aan daawanayey mid ka mid ah telefiishanada markii aan ku arkay madaxweynihii hore ee Maraykanka Bush aabbihii oo baaarashuud kaga soo boodaya diyaarad dhulka ka saraysa in ka badan soddon kun oo fiit.

Madaxweynuhu wuxuu u dabaal degeyey sannad guuradiisii 85aad, waxaana dhulka ku sugayeyey qaar ka mid ah xubnaha qoyskiisa iyo saaxiibadii, markiii la weydiiyey sannad kasta ma sidan ayaad ugu dabaal degi doontaa dhalashadaadana waxa uu ku jawaabay waxa aan sidan oo kale yeeli doonaa marka aan gaadho 90 jir, wuxuu intaa ku daray da’ weynaantu ma sheegayso in aanad ku raaxaysan noloshaa.”

Qoraagu waxa kale oo uu yidhi waxay arrintani i xasuusisay odhaah Shiinuhu leeyahay oo tidhaahda; “Cimriga laguma qiyaaso inta sanno ee uu qofku nool yahay, ee waxa lagu qiyaasaa waxa uu cimrigaasi sido ee horumarin iyo nolosha maxaad ku soo kordhisay ah.”

Intaa haddii aan ku dhaafo hadalada qoraaga aan buugiisa ka soo qaatay hadaladan bal marka hore aan dul istaagno ereyada uu cinwaanka qormadeenu xambaarsan yahay oo ah, awood amma maamul.

Ereyga Awood oo luqada Ingiriisaga ah Power amma Authority wuxuu leeyahay micnayaal kala duwan, mufakir u dhashay wadanka Faransiiska oo la odhan jiray Rimond Aron wuxuu ku qeexay inuu yahay xeelada aad wax ku fuliso amma aad ku kala debarto arrin aad masuul ka tahay.

Sidoo kale waxa lagu qeexaa ereyga awood xidhiidhka la doonayo inuu qof kasta amma hay’ad kasta u fududeeyaan in dadka iyo hay’adaha kale ee wax ka dhexeeyaan ay si fiican u wada sheqeeyaan iyada oo laga duulayo nidaamka maamul ee ay dhigteen.

Awoodu waa fursad ay helaan qof amma dad gaar ah oo bulshooyinka ka mid ahi kuwaas oo laga sugayo inay fuliyaan wax bulsho ku heshiis tahay oo yoolkeedu yahay in laga midho dhaliyo.

Siday ku qeexaan qaamuusyada siyaasadu Awoodu waa nidaam fulineed oo ay wada aqoonsan yihiin dadka oo dhami waxaanay u qaybsantaa dhawr qaybood oo kala ah:

  • Awood saldhigeedu yahay nafta amma Psychological power, in kasta oo ereygan aanan Somali ahaan turjumid sax ah aanan u helin hadana micnihiisu waa awood ku jirta qofka oo naftiisu karti u leedahay inay si joogto ah u fuliso hawlo dadku u khushuucaan amma u hoggaansamaan, waxaa kale oo lagu shaaraxaa inay tahay awooda u qofku u leeyahay inuu habeeyo amma u maamulo dadka kale taas oo ka soo fulaysa awoodiisa shakhsiga ah, geesinimadiisa iyo kartidiisa masakax ahaaneed.
  • Awooda sharciga ah amma Legitimate Power, waa nidaam maamul oo la isla ogol yahay kuna dhisan qaanuun iyo sharci la wada ixitiraamo sida nidaamyada dawladeed, hoggaamiyenimo iyo aabbenimo.
  • Awood diineed amma Religious Authority, waa awood fidsan tan iyo intii Ilaahay koreeye Uunka u soo saaray Anbiyo waxyi sida oo dadka ugu baaqa dariiqa toosan ee aan habowga lahayn.
  • Awooda Laamaha Bulshada amma Social Service Authority, waa awood dawladu u adeegsato Siyaasada, Garsoorka iyo Barbaarinta.

Isku soo wada duuboo awooda amma nidaamka maamul waa shaqo bulshada ka dhaxaysa oo ku dul qotonta nidaam qaanuun oo ixtiraam mudan dadkuna heshiis ku yihiin in lagu dhaqmo, qofkii khilaafa amma wax lid ku ah la yimmaadana la mariyo sharciga.

Waxa kale oo xusid mudan sharaxaada uu ku sameeyey ereyga Awood faylasuuf caan ah oo u dhashay wadanka Jarmalka laguna tilmaamo inuu ahaa dadkii aasaasay cilmiga saykoolojiga amma cilmi Nafsiga lana oo la odhan jiray Maximilian Carl Emil Weber, isaga oo hoosta ka calaamadiyey in maamulku amma awoodu u qaybsanto saddex qaybood oo kala ah:

  • Awooda sharciga ah amma Legitimate Power
  • Awooda ku salaysan Dhaqanka amma Traditional Power
  • Awood ku salaysan Hibo gaar ah Charismatic authority.

Waxa kale oo xusid mudan sharaxaada uu ku sameeyey ereygan faylasuuf caan ah oo u dhashay wadanka Jarmalka laguna tilmaamo inuu ahaa dadkii aasaasay cilmiga saykoolojiga lana odhan jiray Maximilian Carl Emil Weber , kaas oo hoosta ka calaamadiyey in maamulku amma awoodu u qaybsanto saddex qaybood oo kala ah:

Haddii aynu sharax kooban saarno mid kasta oo ka mid ah saddexdan qaybood ee uu u kala qaybiyey aqoonyahankani awooda waxaynu odhan karna sidan hoos ku cad:

  • Awooda sharciga ah amma Legitimate Power: waa nidaam ku dhisan sees la dejiyey oo dawladnimadu dhexdiisa ay ku shaqayso musdanbeedkiisuna u yahay DASUUR sida dawladaha casriga ahi u dhisan yihiin oo kale.
  • Awooda ku salaysan Dhaqanka Traditional Power: waa nidaam ku dhisan dhaqan, dhaxaltooyo, caadooyin soo jireen ah iyo dadka oo u qaybsan kooxo ay isku haybsadaan muddo aad u dheer, waxaana adduunka lagu arkaa qoysas iyag uuni dadka waligood soo xukumi jirey inta kalena aanay wax xasaasiyad ah ka qabin.
  • Awood ku salaysan Hibo gaar ah Charismatic authority: Ilahay koreeye wuxuu dadka qaar siiyay hibo u gaar ah oo ay si sahlan ugu saameeyaan dadka kale, amaradooda iyo taladooadana loo hoggaansamo, arrintana waxa inta badan lagu arkaa ururada dhexdooda, waana sifo qofka lihi xataa uu kaga awood bato nidaamyada awoodeed ku dhisan dhaqanka.

Inta badan marka maanta loo fiirsado dawladaha jira amma nidaamyada maamul ee dalalku isticmaalaan waxay u qaybsamaan, Golaha Fulinta, Golaha Sharci-dejinta iyo golaha Garsoorka, waxase mudan in la dul istaago oo woxogaa laga waramo Golaha Fulinta oo ah qaybta taabata amma dhex jibaaxda dhammaan dhinacyada kala duwan ee nolosha.

Waxa la yidhaahdaa xidhiidhaka ka dhexeeya qofka muwaadinka ah iyo Fulintu wuxuu bilaabmaa markuu qofku dhasho, intuu nool yahayna wuu socdaa oo ma kala go’, waayo taariikhdii dhalashadiisa ayaaba ku jirta diwaanka dawlada sidoo kale maalinta u geeriyoodana wuxuu galaa diwaanka dadka dhintay ee dawladu leedahay, halkaasna waxa inooga cad in laga soo bilaabo dhalasho ilaa geerida qofka xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo golaha fulintu u yahay mid joogto ah oo lama dhaafan ah.

Golahaa fulintu wuxuu ka bilaabmaa madaxa sare ee dawladnimo waxaanu ku dhamaadaa muwaadinka ugu hooseeya ee ku nool tuulooyinka yaryar ee aan aad loo aqoon, waxase xadida cida masuuliyada noocaas ah qabanaysa dastuurka la dhigtay.

Haddaba waxa aduunka dhacda in dad cayiman amma gaar ahi noqdaan dad bulshadu u garato inay xukunka u hayaan halka qaar kalena muddo aad u dheer xukunka ay awood iyo cago juglayn ku haystaan.

Qaar ka tirsan culimada cilmi baadhisyada sameeya ayaa aad ugu dhaba galay bal xidhiidhka togan ee ka dhaxayn kara wax maamulida iyo cimri dhererka iyada oo ka duulay sababaha keeni kara in qofka hoggaamiyaha ahi muddo aad u dheer noolaado isaga oo caafimaad qaba.

Waxay cilmi baadhisyadaasi si gaar ah u tilmaameen in hoggaamiyayaasha dunida saddexaad ka cimir dheer yihiin hoggaamiyeyaaysha dunida kale ee horumartay, iyada oo aan meesha laga saarayn xaaladaha qalafsan ee nololeed ee dalalkoodu ku sugan yihiin.

Waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa qiyaasta cimri ee ay leeyihiin dadka Sooomalida ahi oo cilmi baadhisyadu ku tilmaameen inay ka yar tahay celcelis ahaan 50 sanno ayaa haddana madaxweynihii ugu horeeyey ee Adam Cade u noolaa 99 sanno, sidoo kale dalka Zimbabwe oo dadka ku nool da’dooda nololeed lagu qiyaaso inay tahay 40 sanno ayaa madaxweynohoogu waxa u jiraa 90 sanno ilaa iminkana waxa u loolan ba’an kula jiraa reer galbeedka oo marka aad dhegeysato amma aad akhrido is odhanaysid waa madaxweyne fresh ah oo iminka ku cucub saaxada siyaasada iyo hoggaaminta.

Xaqiiqooyinkani waa sababaha dhaliyey in mid ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer wadanka Maraykanka ee loo yaqaano Foreign Policy ay daabacdo tobanka hoggaamiye ee ugu da’da weyn waqtigan casiraga ah adduunka,waxaana kaalimaha hore banaystay oo laga qaadi kari waayey boqorka Sucuudiga boqor Cabdale, Robert Mogabi madaxweyanaha Zimbabwe, Barasada Korala Ra’isal Wasaaraha wadanka Nipal, Cabdala Wad madaxweynaha Sinigal, Xusni Mubarak madaxweynihiii hore ee Masar, Subax Al Axmed Aljabir Alsubax boqorka Kuweit, Raul Kastro madaxweynaha Kuba, Muwai Kibaki Madaxweynihii Kenya, Manoha Sing Ra’isal Wasaaraha Hindiya, San Shuwi guddoomiyaha Golaha Horumarka iyo Nabada ee wadanka Barma.

Waxa kale oo wargeyskani u sheegay haddii u sii wadi lahaa magacyada wasiirada iyo hoggaamiyayaasha kale ee maanta ugu da’da weyn aduunka in liisku u gaadhi lahaa kumanaan qof oo rikoodh jabis ah. Way jiraan dad badan oo cimrigoodu dheeraado iyaga oo aan wax maamul ah shaqo ku lahan laakiin maaha kuwa indhaha dadka soo jiita, waxayse dadku aad u xiiseyn karaan inay ogaadaan dadka masuuliyiinta ah ee cimrigooodu aadka u weyn yahay waxay isticmaalaan iyo waxyaabaha ay kaga duwan yihiin dadka kale ee ay da’da yihiin.

Waxa xusid mudan aqoonyahan u dhalatay wadanka Faransiiska oo ku caan baxday wax qorista ayaa daba gal dheeraad ah ku samaysay sababaha ka dambeeya in dadka maamulka gacanta ku haya qaar badan oo ka mid ah da’doodu ay aad u weynaato.

Qoraagan oo magaceeda la yidhaahdo Justin Galas waxay cilmi baadhis aad u cad ka samaysay shinida iyo siday u nooshahay iyada oo sheegtay in Shinida caadiga ahi ay noolaato da’ ahaan Shan ilaa Lix bilood oo keliya halka Boqorada Shinidu ay noolaato inta badan muddo aan ka yarayn sagaal amma siddeed sanno.

Waxay sheegtay aqoonyahanadani in beedka ay ka wada dhasheen Boqorada iyo Shinida kale ee caadiga ahi uu yahay mid isku mid ah; laakiin ay jiraan sababo kale oo u saamaxaya shinida boqorada ah inay noolaato muddadaas aadka u dheer.

Waxa arrintan laga soo qaatay faraqa nololeed ee u dhexeeya qofka caadiga ah iyo qofka maamul haya oo lagu tilmaamay inuu yahay sababta dhabta ah ee jiritaankooda nololeed saameynta ku leh, marka aan daraasadahan soo qaadanyo maaha inaan meesha ka saarayo ajasha iyo intuu Ilaahay koreeye ugu talo galay jiritaanka qofka laakiin waa sababo macquul ah oo saameyn weyn ku leh ajasha qofka. Profeseer JOSEPH ALBERT. J. I oo ka tirsan jaamacada ARISONA ee wadanka Maraykanka ayaa wuxuu soo ururiyey sababaha uu qofka masuulka noqdaa uga camri dheeraado dadka intooda kale waxaani yidhi:

  • Cunto caafimaad qabta oo ay cunaan iyaga oo si weyn muhiimada loogu saaro inay cunaan noocyada khudradaha kala duwan maalin kasta, kana dheeraadaan inay cuntooyinka Karboonhaydaraydka ah sida Sonkorta iyo Daqiiqda cad.
  • Si nidaamsan oo waqtiyeysan ayey ula tashadaan dhakhtaradooda, tusaale ahaan waxa lagu sameeyaa baadhitaano ballaadhan oo xooggan iyaga oo had iyo jeer lagala dagaalamayo inuu jidhkooda ku dhacaan xanuuno ay ka mid yihiin; Macaan, Subag, Dhiig kar, Kansar amma Gabow- lafeed u haleelo.
  •  Daweyn aad u sareysa oo ay helaan mar kasta oo xanuun ku dhaco ha yaraado amma ha weynaadee.
  • Jimicsi joogto ah oo ay sameeyaan maalin kasta saacad badhkeed amma saacad.
  • Fasaxooga oo ay si raaxo leh ugu qaataan meeha ay doonaan
  • Sidoo kale waxay sameeyaan waxyaabaha naftoodu jeceshahay sida tumida giitaarka, ciyaarida golofka iyo sidoo kale inay ku raaxaystaan akhriska buuggaagta ay ku qoran yihiin waxyaabaha ay jecel yihiin.
  • Shaqada lafteed oo had iyo jeer uu kala kulmo ixtiraam iyo inaan inta badan laga hor iman aragtidiisa iyo amarkooda, waana mid ka mid ah waxyaabaha mskaxdooda aadka u dejiya ee ka dhiga rag isku kalsoon.
  • La dagaalanka buurnida (obesity) iyo miisanka jidhkooda ku saayidka ah, tusaale ahaan waxa ninka madaxda ah lagu ilaalinayaa inuu miisaankoodu iyo dhererkoodu is leekaadaan.
  • Xidhiidhka ay la leeyihiin qoysaskooda, saaxiibadood iyo dadka gaarka ah ee iyaga taageersan oo aad u fiican.
  • Dakhligooda iyaga u gaaka ah oo keena inaanay nolosha ka warwerin.
  • Degaanka ay ku nool yihiin oo had iyo jeer degen, lagamana yaabo inay la kulmaan laydh go’ay, biyo dhammaaday, saxmad iyo degenaansho la’aan qoyskooda ku dhacay, kuwaas oo ah qoddobo dadka caadiga ahi arkaan mar kasta.

Liiskaa dheer ee uu qoray aqoonyahanka Maraykanka ah waxaynu dhinaca ka raacin karnaa qoddobo muhiim ah oo DR. Marten Segelmen oo wax ka dhiga Jaamacada Binsalfeeniya ahna mid ka mid ah dadka ku takhasusay cilmi nafsiga uu sheegay oo ay ka mid yihiin:

  • Hantida iyo qanacsanaanta uu qofku ka haysto dakhliga soo gala.
  • Xaalada caafimaad oo had iyo jeer u fiican madaxda
  • Ku qanacsanaanta iyo rajaynta wax fiican oo u la kulmi doono maalmaha soo socda.
  • Kaftanka iyo jimicsiyada maalinlaha ah
  • Ku faraxsanaanta kifaaxa weyn ee uu qabashada maamulka u soo galay
  • Xaalada bulsho ee u qofku geleyo sida nidaamka uu u nool yahay oo si weyn isku bedelaya markuu madaxda noqdo, iyo waliba tallaabo kasta oo u qaadayaa markay gasho tashi iyo tilmaamid waxa u kordhaya kalsoonidiisa.
  • Wada hadalada iyo doodaha kala duwan ee uu maalin kasta ka qayb qaadanayo.
  • Dhakhaatiir heer sare ah oo uu helayo IWM.

Waxa marag ma doon ah in dareenka farxadeed ee naftu uu ka soo burqado Farxada, Dhadhanka macaan ee Nolosha, Degenaanshaha, Rajada, Amaanka, Jacaylka IWM, waxa kale oo nafta qas geliya nolsheedana cidhiidhya iyada oo la kulanta, Dhibaatooyin, Dunuub badan oo faraha ay kala bixi weydo,, Khajilaada, Gunimada amma Gumaynta, Ciilka,kelinmiada, Kalsooni la’aanta.

Dhammaan culimada baadhitaanka ku sameeya naftu waxay isku waafaqeen in sifooyinkaasi oo dhammi ay nafta si xoog ah u saameeyaan, waxa kale oo ay sheegen in cafimaadku aanu ahayn xanuunka oo qofka ka maqnaada oo keliya laakiin uu yahay nafta oo uu ka qurux badnaata dhinaca muuqaalka iyo gudaha.

Aqoonyahan u dhashay wadanka Ruushka oo biologist ahaa lana odhan jiray Veyatov waxa u intaa aynu soo sheegnay ku daray in qofku u baahan yahay nasasho kooban inta u dhaxaysa shaqooyinkiisa, sidoo kale waxa u sheegay in jidhka banii’aadamku ka kooban yahay 60 Tiriliyan oo unug, sidaasdarteed aanu mar kali ah wada dhiman Karin dhammaan unugyadaasi.

Xadiga intaas le’eg ee uu jidka ka kooban yahay lagama yaabo inay mar keliya wada dhintan sababta oo ah xanuunku marka u jidhka soo galo waxa u haleelaa qayb ka mid ah unugyadaasi dabadeed wuxuu u laayaa si aayar aayar ah. waana siday dawayntu ku guulaysato haddii marka ugu horeysaba la ogaado xanuunka amma si joogto ah dhakhtarka loola xidhiidho.

Sidoo kale faylasuuf caan ah oo lagu magacaabo Mulla Sadra oo u dhashay wadanka Iran wuxuu sheegay in ruuxda oo la hagaajiyaa ay tahay ta qofka siisa degenaanshaha, naftana ku ilaalisa inay sidaas ahaato tan iyo intay ruuxdiisu xanuunsanayso. Marka aynu hadalada aqoonyahanadan soo qaadanayno ma ilawsani in Quraanku ka waramay dawada nafta oo ah xuska Ilaahay Koreeyey.

Waxa kale oo aan shaki ku jirin in jidhka banii’aadamku markuu xaalad dareemo mid fiican amma mid xun tay doonto ha ahaatee ay ku dhacaan bedello deg deg ah oo xataa muuqaalkiisa guud saameeya, tusaale ahaan isbedelka baayoolojiga ah ee ku dhacaya jidhku wuxuu ku xoonsan yahay habdhiska Neerfiska oo markay unugyada fariin ka helaan dareemayaasha iyo dhaqdhaqaaqa jidhka waxay sii daayaan dheecaano ka kooban isku dhisyo kimiko ah oo ay ka mid yihiin DOPAMINE, SEROTNIN, NORADRENALINE, iyo ACETYCHOLINE.

Haddaba isku dhisyadani marakay ku dhacaan wareega jidhku wuxuu bilaabaa inuu u diyaar garoobo dhaqaaq kasta oo geesinimo iyo cabsiba wata amma inuu u diyaar garoobo siddii uu uga bixi lahaa xaalada uu ku jiro.

Daraasad laga soo saaray wadanka Japan ayaa waxay tibaaxday inuu qofku helo cunto wanaagsan oo isku dheeli tiran, caafimaad wanaagsan oo joogto ah, dikhawga hawada oo ka fogaado, degaan wanaagsan oo dad wanaagsani joogaan ay ka mid yihiin waxyaabaha qofka cimrigiisa dheereeya.

Waxa arrintaas sii cadeeyey oo si weyn u sharaxday qoraa Talyaani ah oo magaceeda la yidhaahdo Marirosa Dello Buono oo sheegtay in cimri dherer laga heli karo duruuf wanaagsan oo qofku ku noolado, xidhiidhka u bulshada la leeyahay oo hagaagsanaada, nidaam cunto caafimaad qaba oo uu qofku ku dhaqmo gaar ahaan cuntada dabiiciga ah ee aan lagu darin walxaha ka ilaaliya inay wax noqdaan, helida ixtiraam badan oo aanu qofku la kulminba wax cadaadis ah oo dhiiga ku kiciya, jidhka oo aan yeelan subag, sonkorow iyo in habdhiska difaaca jidhku si wanaagsan u shaqaynayo.

Markii laga soo saaray arrintan dhammaan daraasadahan aan ka sheekaynay iyo kuwa kale oo badan waxay isku dayeen xarumaha waawyn ee caafimaadku inay tusaalayaal nool u raadiyaan arrimahan gaar ahaan dadka maamulka iyo awooda haysta si aad loogu fahmo hadalada ay aqoonyahanadu ka warameen.

Waxay isku dayeen xarumahani inay qofka awooda haysta ogaadaan xaaladiisa caafimaad, xasuustiisa, aragtidiisa, xaaladiisa nafsi ahaaneed, shaqada maalinlaha ah sidduu u qabto, siduu u seexdo iyo xidhiidhka uu dadka la leeyahay, dabadeed wadanka Talyaaniga oo keliya waxa arrintan lagu eegay 462 qof oo da’doodu dhaaftay 75 sanno, waxaana ka soo baxday in daraasadaha la sameeyey ay intooda badani sax yihiin waliba si xoog ah.

Dhakhtar Ingiriis ah oo masuul ka ah Mac-hadka Caalamiga ah ee Caafimaadka iyo Bulshada oo la taliyana u ah hay’adda caafimaadka adduunka magaciisana la yidhaahdo Sir Macheal Marmot ayaa waxa u sheegay in dadka maamulka iyo awooda u saaxiibka ahi ay ka cimri dheeraadaan dadka intooda kale sababuna ay tahay caafimaadkooda oo si xawli ah ay uga war hayaan, ixtiraamka ay dadka kala kulmaan, jidhkooda oo ay si joogto ah uga sheqeeyaan, maskaxdooda oo degnaansho badan hesha, shaqada ay hayaan oo ay ku faraxsan yihiin, iyo degaanka ku xeeran oo degenaansho badani ka muuqdo iyo waliba dadka la sheqeeya oo buunbuunin aan caadi ahayn la daba taagan hadday neceb yihiin iyo hadday dhab u jecel yihiinba.

Dr. Sir Macheal Marmot waxa kale oo u sheegay in madaxweynuhu uu ka cimri dheer yahay ku xiggeenkiisa sababtuna ay tahay siday u kala qadarin badan yihiin oo inta badan dadku waxay awooda saaraan ayuu yidhi dhakhtarku inay la kulmaan amma la sheekaystaan madaxweynaha.

Qoraaga buugga Awooda iyo Cimri dhererka ee Xamdi Al- Kunaysi wuxuu isna tusaale u soo qaatay aqoonyahan Masri ah oo ka waramay in muddo soddon sano ah oo uu si hoose ula socday madaxda iyo dadka maamulka haya wadanka Masar aanu arag Masuul la soo sheegay geeridiisa marka laga reebo laba wasiir oo xilka qabtay iyaga oo xanuunsanaya.

Wuxuu intaa ku daray qoraaga Masriag ahi inay la mid yihiin madaxda dawladaha dadka madaxda ka ah shirkadaha waaweeyn, wargeysyada iyo xarumaha warbaahinta ee xoogga badan, waxa arrin lala yaabo ah mar kasta oo aad u fiirsato warbixin kasta oo ka sheekaynaysa waxyaabaha inta badan ay madaxdu ka hesho waxa ku jira inay dadka la shaqeeya oo dhammi iska dhigaan qaar jecel oo si indho la’aan ah u taageersan xataa hadduu qofka madaxda ahi ku jiro wax Ilaahay ka cadhaysiinaya.

Arrintani maaha mid bilaabantay waqtigan casriga ah oo keliya ee marka dib loo raaco taariikhda waxaad arkaysaa dhacdooyin aad la yaabto oo taariikhda soo maray xataa haduu ninka madaxda ahi yahay qof Muslim ah, waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa mid ka mid ah madaxdii soo martay Khilafada dawladii Umawiyiinta ee Islaamka ahayd oo magaciisa la odhan jiray Yaziid Binu Cabdulmudalib ayaa wuxuu ku yidhi wadaadii taageersanaa Ilaahay ma xisaabinayaa dadka Madaxda ah maalinta Qiyaamaha dabadeed Afartan ka mid ah culimadaasi waxay ku jawaabeen Maya.

Sidaad ayaa dadka la sheqeeya Madaxdu had iyo jeer aanay u ahayn dad mushkilad iyo buuq dhinaca maskaxda ah ku fura madaxdooda oo waxay u baneeyaan wax kasta oo u u baahdo haduu doono waxaasi ha ahaato wax Ilaahay ka cadhaysiinayee. Waxa ay sheegaan culimada taariikhdu oo ay ka waramaan in haddii qofka madaxda ah isku helo wadaado u fatwooda oo wax kasta u baneeya iyo dad hanti la garab taagan oo meesha ku ilaashanaya uu wax kasta iska sameeyo, sidduu Qur’aanku kaga waramay Fircoon oo markuu intaa isku helay dadkii u maamulayey u sheegtay inuu yahay Ilaah oo halkii ugu saraysay ee madax sheegato ahayd.

Gebogebadii qaybta hore ee maqaladeenan waxaynu ku soo xidhaynaa dadka la sheqeeya madaxda ayaa qayb weyn ka qaata inay ilaaliyaan degnaanshaha madaxda oo waxay u sheegayaan uma aabo yeelaan hadduu yahay wax isaga raali gelinaya sidaas darteed ayey inta badan dadka ku xeerani u noqdaan dad munaafaqad badan oo aan la kala garan runtoodaa iyo beentooda, waana arrin baadhitaano ay ku sameeyeen mac-hadyada waaweyn ee caalamiga ah, qaar ka mid ah baadhitaanadaasna waxaan ku soo qaadan doona qormooyinkeena soo socda…. Lasoco

Wuxuu ka Badbaaday 638 dil oo Qorshaysan Haddana Wuxuu Dalkiisa Maamulayey isagoo 86 jir ah

Mar haddii aynu fahanay waxyaabaha ka dhiga madaxda iyo dadka awooda u saaxiibka ahi inay muddo dheer noolaadaan waxaynu halkasn kaga warami doonaa madaxada dunida saddexaad inta badan maamulaysay iyo waxyaabaha ay dadkoodu u yaqaaneen.

Maaha marka nin keligii taliye ah oo xukunkii dadka ka dhexeeyey maroorsaday taariikhdiisa aynu ka sheekaynayno inaynu u jeedno ammaanid iyo inuu sameeyey wax fiican laakiin waxa u wargeysku ugu talo galayoo keliya inay qormadani noqoto mid uu akhristihiisa ku xasuusinayo taariikhda iyo waxyaabaha ay ku mashquulsanaayeen hoggaamiyahani.

Haddaba waxaynu ugu horeysiinaynaa madaxweynaha sita cinwaanka aynu kor ku soo sheegnay iyo siddii loogu bixiyey cinwaankan inaga oo ku bilaabayna sidan:

Wuxuu ahaa Madaxweyne aan caadi ahayn oo dadku u bixiyeen magacyo iyo naanaeyso aan halkan lagu soo koobi karayn, wuxuu ahaa madaxweyne ku caan baxay cadaawad uu u qabo dalka Maraykanka, wuxuu ahaa nin isku tilmaama inuu u doodo oo uu ilaaliyo dadka saboolka ah, wuxuu ahaa kali taliye Naxariis daran, wuxuu ahaa aabbaha kacdoonkii dalkiisa, wuxuu ahaa xoreeyaha latin Ameerika, wuxuu ahaa mid ka mid ah hadhaagii dagaalkii qaboobaa, wuxuu ahaa nin rekoodh ku haysta khudbadaha, wuxuu ahaa ninkii uu isku dayi jiray madaxweyne kasta oo Maraykanka soo maraa inuu afganbiyo amma u dio

Magacyada noocan ah ee aan soo tilmaamay waa magacyo ay u bixyeen dad qorayaal iyo abwaano iskugu jira oo adduunka amma wadamadooda aad looga yaqaano waxaana ka mid ah Abwaanka weyn ee u dhashay wadanka Colombia Mr. Gebreal Gersiya Marks`oo ka mid ah dadka ku guulaystay abaalmarinta Nopel Price-ka. Waxa kale oo ka mid ah dadka magayadan u bixiyey filim soo saaraha caanka ee Olifariston iyo qoraa Arther Mailer oo labadooduba u dhashay wadanka Maraykanka.

Waxay isku raaceen dhammaan dadkaas aynu tilmaanay iyo inta aragtidan la qabtaaba in nin madaxweyne ah oo u joojin waayey reer galbeedka waqtigan casriga ah waliba iyaga oo isku dayey inay khaarajiyaan una adeegsadaan qaar ka mid ah dadkii xafiiskiisa kala shaqaynayey oo ay ku guulaysan waayeen u mutaystay madaxweynahaasi in lala dhaco oo loo dhug yeesho taariikhdiisa…….Lasoco

Waxay u eeg tahay taariikhdiisu mid khayaali ah oo aan run ahayn gaar ahaan marka la eego inta jeer ee la isku dayey in la khaarajiyo ee uu ka badbaaday, waxay arrimahaas iy mawqifyadii uu ka qabay ree galbeedku dhaliyeen in dadkiisu u aqoonsadaan geesi sooma jeeste ah oo in badan u dagaalamay siduu dalkiisu u noqon lahaa mid jira oo ka gudba jilaafooyinka siyaasadeed ee ay u dhigayaan dad u cadaw ahi.

Ninka taariikhda noocan lihi waa madaxweynihii hore ee dalka Kuba Mr. Fidal Castaro oo ku caan baxay nacayb u u qabo reer galbeedka iyo Israa’iil, wuxuu dhashay 13 Augost sannadkii 1926-kii, hooyadii waxay ahayd gabadh u dhalatay wadanka Lubnaan.

Aabbeheed wuxuu ahaa nin ganacsade ah oo ka shaqaysan jiray wadamo badan oo ay ka mid yihiin Lubnaan, Masar iyo wadamo ku yaal qaaradaha kala duwan sida Latin America, meesha y iska soo galeen hooyadii iyo aabbihii ayaa lagu tilmaamaa inay ahayd markii uu awowgii aabbo oo Lubnaani ahaa uu go’aansaday inuu dego wadanka Cuba si uu uga shaqysto beeraha waaweyn ee geedaha sonkorta laga tuujiyo lagu beero.

Halkaasna waxa inantiisii kgaa guursaday nin lagu magacaabi jiray Anjalio oo asal ahaan isna ka soo jeeda dalka Spain dabadeed waxa u dhashay wiil lagu magacaabo Fidal Alikhnadaro Castaro oo markii dabne noqday mucjiso la wada yaqaan.

Wuxuu ka faa’iideystay hantidii aabbihii lahaa oo wuxuu wax ka bartay dugsiyada ugu sareeya wadankiisa, waxyaabaha la yaabka leh ee abbihii ku barbaariyey waxa ka mid ahaa in isaga iyo caruurtii u walaalaha la ahaa aanay cuntada cunin iyaga oo fadhiya ee ay taagnida ku cunaan si qof walbaaba hawshiisa uu hore uga qabsado oo aanu u baran wax la yidhaahdo caajisnimo iyo raaxaysi.

Dhaqankaasi wuxuu noqdy mid aanu ka tegin xataa intii uu madaxweynaha ka ahaa dalkiisa siday sheegeen dadkii aadka ay iskugu dhowaayeen, waxa intaa dheer inuu ahaa qof jecel ciyaarta loo yaqaano Duke Wrestling oo ah ciyaar la isku diro laba Diig oo aad caan uga ah wadamada Spain iyo Talyaaniga markii dambana u soo wareegay dalalka ku yaal Latin Amerika.

Waxase xusid mudan in markii dambe uu iska daayey isaga oo ku sababeeyey inuu dulmi badani ku jiro maadaama sida u sheegay Diig aad loo gaajaysiiyey uu had iyo jeer ka guulaysanayo Diiga kale, intaa wixii ka dambeeyey wuxuu noqday Castaro mid naca nolosha dhadhanka badan ee qoyskodu ku nolaayeen maadama uu arkay dad badan oo kula nool wadanka oo aan haysan waxay hungurigooda ku qoyaan.

Dareenkiisaasi waxa laga dhex dheehan jiray hadaladiisa iyo hawlaha uu dugsigiisa ka qabto isaga oo ardeyda kaga dhex caan baxay maqaalo, suugaan iyo dareen xeel dheer oo uu ku qoro wargeyska ka soo baxa dugsiga uu dhigan jiray. Dhinaca kale waxa uu ku shaac baxay xifdiga gabayada kala duwan ee ay tiriyaan dadka reer Cuba taas o si weyn uga qayb qaatay dhismihiisa luqadeed iyo aftahannimadiisa.

Sannadkii 1945-kii ayuu galay kulliyada Xuquuqal Insaanka ee Jaamacada Kuba, waxaana u dooray kulliyadaas aabbihii oo door bidayey inuu noqdo wiilkiisu looyar dhinaca xuquuqda ah oo wadankiisa laga wada yaqaan.

Aftahannimadiisa, koboca aqoontiisa guud iyo shakhsiyadiisu waxa dhaliyeen inuu markiiba noqdo xoqgahayaha ardeydii dhinganaysay jaamacadaas, halkaasna waxa u ka fuulay salaankii aan jaranjarooyinkiisu soo noqodka aqoon ee jeclaysanayey inuuu mar uun ku fadhiisto halka ugu sareysa dalkiisa.

Wuxuu ahaa nin had iyo jeer sheegi jiray inuu jecel yahay cadaalada oo uu neceb yahay dulmiga meel kasta ha joogee, taasina waxay gayeysiisay inuu ka qayb qaato isaga oo ardey ah afganbigii lagula kacay maamulkii ka jiray wadanka Domanika, oo markii uu ka soo noqday wadankasi isaga oo saran laash amma doon uu la kulmay weerar kaga yimmi ciidammada dalka Domanika.

Arrintaasi oo sababtay inuu ka badbaado qarqoomid iyo inuu biyaha ku dhinto laakiin wuxuu gacanta u galayo ciidammadii taageersanaa madaxweynihii jamhuuriyada Domaniko ee la odhan jiray Trujillo waxaanay ku dhawaaqeen inay xukun deldelaad ah ku ridayaan dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay isku dayga afganbi ee lala beegsaday hoggaamiyahooda, haseyeeshee dad wax garad ah oo soo dhex galay arrintan ayaa ka badbaadiyey Kastaro iyo saaxiibadii oo ay ku tilmaameen inay waday oo keliya xamaasad dhallinyaronimo.

Mr. Fidal Castro wuxuu hoggaamiyey sannadkii 1947-kii kacdoon lagaga soo horjeeday maamulkii keli taliska ahaa ee ka jiray dalkiisa oo uu madax u ahaa nin la odhan jiray Patista, haseyeeshee mudaharaadkaasi wuxuu ku dambeeyey mid fashilmay oo dawladu si adag iskaga caabiday inkasta oo uu dhaliyey natiijo dhib badnayd oo dad iyo hanti badani ku waxyeeloobeen.

Tallaabdani waxay noqotay mid dabka u kordhisa Castaro oo wuxuu awooda saaray inuu daraaseeyo oo u si ballaadhan u akhriyo kutubta iyo buuggaagta ka waramaysa kacdoonada gobonimo doonka ah iyo kuwa laga qoray siyaasadaha adduunka intiisa kale, waxa intaa u dheerayd inuu aad u akhriyo qoraalada iyo buuggagta laga qoray dhaqaalaha adduunka.

Wuxuu si xeel dheer oo dedaal badani ku dheehan yahay u bartay oo uu u daraaseeyey dagaaladii iyo loolanadii ka jiray wadamada Latin Ameerika isaga oo socdaalo ku tegey wadamo ay ka mid yihiin Panama iyo Maxico oo uu kula kulmay hoggaamiyayaashii waaweynaa ee kacdoonada hor kacayey iyo wariyayaal caan ah.

Muddadaasi wuxuu fidel Castro bilaabay inuu yagleelo qoys si ay noloshiisu noqoto mid degen waxaanu bilaabay bishii 12 November sannadkii 1948-kii inuu guursado gabadh lagu magacaabi jiray Mirta Diaz-Balart oo u dhashay ilmihii kowaad oo wiil ahaa kaas oo ay u bixiyeen Fidelito, nasiib daro se ay kala tegeen muddo toddoba sanno markii ay guri wada lahaayeen, kadib markii ay ku ogaatay inuu xidhiidh la leeyahay gabadh kale. Siday ku ogaatayna waxay ahayd iyada oo heshay warqad uu u direy Jacaykiisa sirta ah mar uu ku jiray jeelka oo ay iskaga khaldameen labadii warqadoodo ee uu u kala diray qoyskiisa iy jacaylkiisa. Taasina ay dhalisay inay kala tagaan.

Arrimahan oo dhammi kamay joojin inuu dabagal ku sameeyo waxyaabaha ku soo kordhay xuquuqal Insaanka ilaa uu ka qaatay Shahaadada PHD oo u ku qaatay arrimaha bulshada iyo Xidhiidhka caalamiga ah sannadku markuu ahaa 1950-kii, wuxuu noqday Garyaqaan u dooda dadka taagta daran ee beeralayda iyo shaqaalaha ah isaga oo aan ku xidhayn wax lacag ah, taasina waxay siisay shacbiyad qayrul caadi ah oo waxa batay dadka la dhacsan naxariistiisa iyo siduu dadka uga war hayo.

Taageeradani waxay gaadhsiisay inuu si geesinmo leh u diyaariyo hawl gal uu ku weeraray istoodh weyn oo ku yaalay magaalada Salintiago oo ay ku kaydsanaayeen hub aad u badan oo dalka Maraykanku leeyahay si uu ugu qaybiyo dadka xamaasadaysan ee doonaya inay ka qayb qaataan kacdoonka ka dhanka ah xukunkii dalka Cuba haystay ee uu hor kacayey Patista.

Haseyeeshee isku daygaasi wuxuu noqday mid guulaysan waaya sababta oo ah waxa istoodhka ku gadaanaa guutooyin ciidan ah oo si adag u feejignaa taasina waxay dhaliysay in dhallinyar badani ay ku geeriyoodaan, Fidel Castaro iyo walaakii oo la odhan jiray Raul-na xabisga loo taxaabo.

Dawladu waxay ku xidhay dhammaan dadkii taageersanaa Castaro ee isku dayga ka qayb galay xabisyo kala duwan iyaga oo la geeyay jeelal aan meesha ay ku yaalaan la aqoonin, taasina way dhalisay in ardeydii jaamacuhu ay sameeyaan banaan baxyo ballaadhan oo ay ku codsanayaan inay dawladu faraha ka qaado Fidel Castaro iyo asxaabitiisa.

Cadaadis badan oo dawlada la saaray iyo doonista dhalliyarada jaamacadaha oo istaagi weyday waxay dawladii ku qasbeen inay qaadato go’aan ah in loo mustaafuriyo wadanka Maxico inatay meesha ka baxayso dhaqdhaqaaqyada kacdoon ee wadanka ka jiraa.

Markii loo mastaafuriyey Fidel Castaro wadanka Mexico wuxuu fursad u helay inuu halkaas kula kulmo goggamiyaayasha bulshada ee kala duwan oo si joogt ah ugu booqan jiray halkii u joogay, dadkuu sida joogtada ah ula kulmi jiray waxa ka mid ahaa nin lagu magacaabi jiray Gefarra oo ahaa aqoonyahan iyo kacdoonyahan u dhashay dalka Argentina oo markii dambe noqday saaxiibkiisa dhabta ah, oo markii dambe aad uga qayb qaatay kacdoonkii weynaa ee ka dhacay wadanka Cuba.

Gaar ahaan kacdoonkii xooga badnaa ee ay u bixiyeen Dhaqdhaqaaqa 26 July. Ugu dambayntii wuxuu ku dambeeyey dhaqhdaqaaqaasi Xisbiga Shacabka kuba oo noqday xisbigii ku guulaystay inuu xilka ka tuuro kelitaliyiihii Patista ee wadankaasi xukumi jiray…

Kacdoonkii uu hoggaamniyayey dhaqdhaqaaqani wuxuu ku guulaystay sannadkii 1959-kii inuu xilka ka tuuro madaxweynihii dalkaas ee loo yaqaanay Patista oo u baxsaday Jamhuuriyada Domanika, markii dambana u sii dhaafay waadanka Maraykanka oo siiyey magangelyo isaga iyo qoyskiisa, uguna deeqay qasri aad u weyn oo wata dhammaan adeegyada kala duwan ee qofku u baahan yahay.

Toddobaad ka dib afganbigaasi ayuu xilka la wareegay Fidel Castro oo da’diisu tahay 32 jir, markii lagu wareejiyey xilka wuxuu bilaabay khudbad dheer oo socotay 7 saacadood oo xidhiidh ah, khudbadaas oo gashay buugga lagu qoro mucjisooyinka ee loo yaqaano Genious World Record.

Waxa iska caadi ahayd inay dadka reer Cuba la qabsadeen khudbadaha dhaadheer ee Castaro inkasta oo u lahaa qabqabasho hadalka ah iyo hag-hagasho, ku keentay inuu ka daciifo dhinaca codka.

Dhibaatadan dhinaca codka ka haysatay waxay ahayd mid uu la kowsaday yaraantiisii oo waxa warbixin dhakhtareed naxdin badan soo saaray dhakhtarkiisa oo ku tilmaamay inuu waayi doono hadalkaba markuu dhammaysto shan sanno.

Bishii August ee sannadkii 1962-kii ayuu hadalku ku dhegey isaga oo ka hadlaya shirkadaha Maraykanka, waxaana u bilaabantay muddo uu aamusnaa inkasta oo markii dambe aayar aayar uu hadalku u soo noqday, s xanuunkaasina uu sii kordhiyey daciifnimadii dhinaca hadalka ee haystay Castaro oo ku keentay in aan si wanaagsan loo fahmin hadalkiisa, wuxuu isku deyi jirey oo dedaalkiisu ahaa inuu si xoog ah u dhaqdhaqajiyo gacmihiisa iyo madaxiisa si loo fahmo u jeedadiisa.

Waxyaabaha ay dadku ku jeclaadeen waxa ka mid ahayd iyaga oo had iyo jeer ku arki jirey dhexdooda iyo wadooyinka la maro, gaadhigiisa yar oo iska dhex mushaaxaya wadooyika waaweyn ee caasimada Havana amma meelaha miyiga ah isaga oo aanay la socon wax ilaalo ahi. Taasina waxay ku sababeeyeen dadka reer Cuba ee aadka u yaqaanay inuu ahaa qof isku deyi jiray inuu mushkiladaha ku xaliyo halka ay ka dheceen halkii warka loogu keeni lahaa isaga oo fadhiya xafiiskiisa.

Dadka reer Cuba waxay alifeen sheeko berelay nuxurkeedu odhanayo, waa nin aan cid u dhigantaa jirin, wuxuu u anbabaxaa meel aan hore ugu qorshaysnayn oo aan dadka la sii wargelin, markuu doono ayuu suuqyada socod ku maraa, cida ay kulmaana siduu ugu sheekaynayo amma u waaraysanayo ayuu waaga ugu bariiyaa, muu lahayn mel loogu soo hagaago iyo xafiis madaxweyne toona , dawladiisu waxay ku shaqayn jirtay kolba meeshuu u guuro, wuxuu ahaa nin hurdo yar oo markuu ugu badan yahay seexda lix saacadood oo aan la aqoon goortay bilaabmayaan…. ….

Dhinaca kale Fidel Castro wuxuu aad u jeclaa oo jibo weyni u haysay akriska buuggaagta hadaladii u odhan jiray markii uu madaxweynaha noqdayna waxa ka mid ahaa; ….. haddii aan nolol kale helo waxa aan noqon donaa qoraa…. Arrintaasina waxay aad uga dhex muuqatay khudbadihiisa iyo marka uu gaadhisgiisa saaran yahay, isaga oo la sheegay inuu aad wax ugu qori jiray markuu gaadhigiisa fuushan yahay sidaas darteed ayaanu iska dhigi jirin buugaag yaryar oo gacanta ku haysto.

Marar badan ayaa waxay ka sheekeeyaan dadkii xidhiidhka la lahaa inay waqtiyada qaar ku qaadan jirtay inuu kelmed qaamuusyada ka baadho muddo aad u dheer si naftiisu ugu degto in ereygaasi u sido micnihii u doonayayey, waxay intaa ku daraan in kaydka laga sameeyey qoraaladii u buuggaagta ku qori jiray ay gaadhayaan kuwo aad u badan oo marka la soo saaro noqon doona kuwa u dhigma buuggaagta ay qoraan dadka qoraalka xirfada u lihi.

Dhinaca kale markii uu xukunka la wareegay wuxuu bilaabay inuu ka soo horjeedu siyaasadii Maraykanku kula dhaqmayey wadanka Cuba waqtigii uu xilka hayey madaxweynihii uu afganbiyey ee loo yaqanay Patista. Mawqifkiisa noocaas ahna wuxuu u sheegay wadanka Maraykanka sannadku markuu ahaa 1958-kii isaga oo u direy qoraal uu ku bilaabay, “Waxaan diyaar u ahay inaan idinla galo dagalka iyo loolanka ugu dheer ee la idin kaga soo horjeedsan karo…”.

Wuxuu ahaa Castaro mid aan iloobin siddii uu u diiday la kulankiisa madaxweynihii Maraykanka ee Eisenhower isaga oo safar ku yimmi magalada Washignton kadib markii uu xilka kala wareegay madaxweynihii Patista, arrintaasina waxay dhalisay inuu maraykanku bilaabo siddii u qorshayn lahaa dilkiisa oo lagu qiyaasay inay gaadhayaan 638 isku day.

Waxay isku dayeen inay u adeegsadaan cid kasta oo Fidel u dhaw iyaga oo tijaabiyey inay ku dilaan amma ku qarxiyaan sigaarkii uu cabi jiray amma sun cuntada loogu daro laakiin dhammaan isku dayadaasi waxay ku dhammaadeen qaar fashilmay.

Mr. Castaro oo ku dheeldheelaya isku dayga dil ee lala beegsaday muuddooyinka badan wuxuu sheegay in Maraykanku ay iska ciyarayaan marka ay ka hadlayaan dilkiisa waxaana hadaladiisa ka mid ahaa, “ Maraykanku waxay ku dheeldheelayaan dhammaan dayax gacmeedyadooda iyo telefoonadooda gacanta ee ay ugu talo galeen inay aniga igu kormeeraan, waxa ku filan tallaabo keliya oo aan dhex maro beertayda inay ka war helaan halkaan joogo, waxaanan rumaysanahay inay og yihiin wax kasta oo gurigayga ag yimmaada xataa cayayaanka yaryar ee beertayda dhexdeeda ku nool.”

Madaweyne Castaro iyo madaxweynihii Masar ee Jamaal Cabdi Naasir waxay ahaayeen qaar isla dhacsan oo midiba ka kale u arko geesi iska dhiciyey dawladaha galbeedka haseyeeshee may lahayn wax xidhiidh ah oo ay ku wada sheekaystaan, sidaas darteed ayaa sannadkii 1960 oo ay ka soo wada qayb galeen kullan ka dhacayey magaalada New York uu noqday mid kulmiya.

Intii shirkaasi socday wuxuu Castaro ka soo toosi jiray huteel aad u hooseeya oo ku yaala xaafada Black Harlem ee magaalada New York si uu iskala mid dhigo malaayiinta qof ee nolol xumadu ku dishay wadanka \maraykanka gudihiisa, waxa halkaas ku booqday Jamal Cabdi Nasir oo u geeyey hadiyad ku jirta weel ka samaysan Lacag, laakiin Castaro ayaa ugu jawaabay waxaan is lahaa wuxuu kuu keeni doonaa midh Yaxaas ah, Jamal Cabdi Nasir oo markani u ahayd markii kowaad ee uu la kulmo Castaro wuxuu u arkay inuu ku ciyaarayo oo uu ku dheel dheelayo waxaanu ugu jawaabay Beerta Xawayaanka ee Masar waxa ku jira oo keliya saddex midh oo Yaxaas ah mana bixino.

Kullanka wuxuu noqday kii ugu hreeyey uguna dambeeyey ee ay wada yeeshaan labadn hoggaamiye.

Ugu dambayntii da’diisa oo gaadhysay 86 sanno ayuu hadana ahaa qof ku naaloonaya caafimaad wanaagsan oo wuxuu si joogto ah u iman jiray xafiiskiisa waxaanu akhriyi jiray dhammaan warbixinada ammaanka ee wadanka laga qoray, wargeysyada waaweyn ee dalkiisa iyo adduunkuba waxyaabah ay qoreen, wuxuu ka qayb qaadan jirey dhammaan shirarka muhiimka ah ee dawlada, wuxuu si joogto ah uga jawaabi jiray malaayiin warqadood oo dadku si khaas ay ugu soo direen iyaga oo doonaya inuu kala taliyo arrimo iyaga u gaar ah, wuxuu si joogto ah uga jawaabi jirey tacliiqa amma aragtiyaha ay dadku ka bixiyaan maqaalada uu ku qoray bog uu internetka ku lahaa.

Sannadkii 2004-tii ayuu ka soo dhacay stage uu ka khudadaynayey isaga oo ka jabay jilibka bidix, gacanta midigna wax ka noqday, sidoo kale sannadkii 2006-dii ayaa lagaga sameeyey caloosha qalliin laga joojinayey dhiig caloosha kaga furmay, arrimahaas oo dhammaantood keenay inay dadku isla dhex maraan inuu geeriyooday laakiin markii dambe uu ku beeniyey isaga oo ka soo baxay telefiishanka dawlada ee wadankiisa.

Waxaanu in badan ka jawaabay hadalladaas laga shaaciyey warbaahinta ee tilmaamayey geeridiisa isaga oo intuu ka soo muuqday Tvga wadanka Cuba sheegay inuu nool yahay qofna aanu garanayn goortuu dhimmanayo ka wax laga sheegayo iyo ka wax sheegayaaba, 19-kii February sannadkii 2008-dii ayuu ku wareejiyey xilka walaakii Raul. Halaas waxa inoogu dhammaaday taariikhdii Fidel Castaro, waxaynu ku xigsiin doonaa haddii Alle yidhaa.

 

 

Fuul iibiye noqday Madaxweynaha Maraykanka

“Waxaan iibin jirey Fuul Suudaani, aabbahayna waxaan ka xaday lacag qaadhaan ahayd, dabadeed wuxuu igu ciqaabday inuu si xun ii karbaasho, hadana kumaan fikirin inaan weligay ku madax adkado…” ereyadani waxay afkiisa ka soo baxeen James Areal Carter oo ku caan baxay magaca Jimmy Carter oo ahaa mid ka mid ah madaxweynayaashii soo maray Maraykanka.

Wuxuu ku dhashay bishii October sannadkii 1924-kii gobolka Georgia ee ku yaal koonfurta wadanka Maraykanka oo ku caan baxay beertista fuulka loo yaqaano Fuul Sudaniga amma Fuulka Madaw. Wuxuu aad ugaga waramay safarkii dheeraa ee uu u soo maray madaxtinimada buuga uu ku qoray xasuus qorkiisii oo kaga sheekaynayo qayb ka mid ah sida u ahaa xidhiidkaii ka dhexeeyey isaga iyo aabbihii.

Waxyaabaha soo jiidashada leh ee uu xasuus qorkiisaa kaga waramay waxa ka mid ahaa waqti waqtiyada ka mid ah oo aabbihii u dhiibay shilin uu ugu talo galay inuu ku rido sanduuqa tabarucaadka ee dugsiga u dhigto inuu dhawr jeer iska qaatay oo uu la garab maray sanduuqii loogu talo galay, aabbihiina markii uu ka war helay uu aad u cadhooday dabadeena uu si xun u garaacay isaga oo shan jir.

Wuxuu ka sheqeeyey iibinta fuulka oo uu ku gadi jiray suuqyada ku yaal magaaladii uu ku noolaa sidoo kalena wuxuu ka shaqayn jiray iibinta Hambeegarka isaga oo la socda inaadeerkii taasina waxay ka mid notay samaysankisa shakhsiga ah ee gaadhsiiyey inuu madaxweyne ka noqdo wadanka Marakanka.

Intaa ka dib wuxuu ku biiray akaadamiyada ciidanka badda ee wadankiisa oo muddo toddob sanno ah uu ka shaqaynayey, isaga oo guursaday gabadh lagu magacaabi jiray Rosaline Smith oo u dhashay afar caruur ah, intaa ka dib wuxuu dib ugu soo noqday wadankiisa waxaan halkaa ka bilaabay hawlihiisa siyaasadeed oo u saamaxay inuu ku guulaysto badhasaabka gobolka Georgia sannadkii 1970-kii.

Wuxuu gobolkas ka sameeyey hawlo fiican oo dadka soo jiitay taas oo u gogol xaadhay inuu ku dhiirado ka qayb galka doorshooyinkii madaxtinimo ee wadankaasi ka dhacayey sannadkii 1974-kii.

Loolan dheer oo ka qabsaday gudaha xisbigiisa iyo ninkii kula taartamayey madaxtinimada oo la odhan jiray J. Ford ka dib wuxuu ku guulaysaty inuu noqdo madaxweynihii sagaal iyo soddonaad ee wadanka Maraykanka. Ddka Maraykankuna waxyaabaha ay ku xasuustaan waxa ka mid ah inuu wax badan ka qabty arrimaha gudaha laakiin uu awood badan saaray dhinaca arrimaha waxyaabhihii uu ka qabtay arrimaha dibbeda oo ay ka mid ahaayeen inuu u celiyo wadanka Panama biyomareenka Panama oo hore gacata ugu jiirey Maraykanka. Lasoco……