Horumarka Milatari ee Ururka Xamaas iyo Taariikhda Garabkooda Hubeysan

0
1371

Qormadan waxa aynu ku iftiimin doonaa taariikhda iyo awooda milatari ee uu leeyahay garabka hubaysan ee ururka Xamaas ee loo yaqaano Cizadiin Alqasaam, Guutada Cizadiin Al-Qazaam waa garabka hubaysan ee ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta, wuxuu ku calaamadsan yahay loolanka lagula jiro dowladda xoogga ku haysta dhulka Falastiin ee Israa’iil, magaca Cizadiin AlQasaam wuxuu ahaa nin aqoonyahan ah oo asal ahaan u dhashay wadanka Suuriya, kaas oo ay dileen sannadkii 1935-kii ciiddamadii Ingiriiska ee dhulkaas gumaysanayey.

Hadafka guud ee loo aasaasay garabkan hubaysan waxa ugu muhiimsanaa inay iska dhiciyaan dowladda Israa’iil ee dhulkoodii qasabka ku qaadatay sannadkii 1948-kii, sidaas ayuu u noqday urur ay ku abtirsadaan inta badan dadka falastiiniyiintu oo ay taageeraan hawlgaladiisa iyaga oo dhinaca kalena la garab istaaga wax kasta oo ay u qaban karaan.

Ururkani wuxuu si jooogto ah uga hawl galaa dhulka falastiin ee taariikhiga ah, maaha dhulka cusub ee iminka dowladda Isra’iil u taqaano inay falastiiniyiintu leeyihiin, laakiin waa dhulka ku fidsan inta u dhaxaysa dhul cabirkiisu dhan yahay 27 kun oo Km isku wareeg ah.

Kooxda Qasaam hordheceedu wuxuu aasaasmay sannadkii 1984 –kii ka hor intii aan lagu dhawaaqin jiritaanka ururka Xamaas, iyaga oo ku hawl gali jiray magacyo kala duwan oo uu ka mid ahaa Mujaahidiinta reer Falastiin, haseyeeshee sannadkii 1991–kii ayaa loo bixiyey magacan iminka loo yaqaan ee Cizadiin Al-Qasaam. Ragii majaraha u qabtay ee aasaasay waxa ka mid ahaa Sh. Salaax Shaxaada, Cimaad Caqli, Maxamuud Al-Mabxuux, Injineer Yaxya Cayaash iyo aqoonyahano badan oo ay ugaadhsatay Israa’iil.

Garabkan hubaysan ee Qasaam waxa lagu tilmaamaa inuu qayb muhiim ah ka yahay jiritaanka ururka Xamaas oo dhammaan jaangoynta dhaqdhaqaqyada siyaasadeed uu ka dhex muuqdo.

Hawlgaladiisa Milatari

Markii ugu horeysay Alqasaam wuxuu ku hawl galay dhagax iyo midiyo, kadibna wuxuu adeegsan jireen baastoolado iyo qoryo kale oo ay ku samasteen wadankooda gudihiisa, kadibna waxay soo saareen walxaha qarxa oo awood badan, hadana waxay uga gudbeen gantaalaha inay samaystaan, iyaga oo soo saaray gantaalkii ugu horeeyey oo ay u bixiyeen Gantaalka Qasaam, intaa ka dib waxay soo saareen gantaalka M75, hadana waxay soo saareen gantaalka J80 oo masaafadiisu gaadhayso 80 km.

Waxay soo saareen oo ay ku xigsiiyeen Gantaalka R160 oo ay ugu magacdareen hoggaamiyohoodii la yaabka lahaa ee Sh. Rantiisi. Kadibna waxay daboolka ka qaadeen gantaal ay u bixiyeen Sijiil 55 iyo gantaalo kale oo faro badan.

Xubaha guutadan waxa lagu tilmaamaa inay kor u dhaafayaan tobanaan kun oo askari, kuwaas oo ku kala daadsan dhamman qaybaha uu ka kooban yahay dhulka Falastiin.  laakiin weerar ba’an oo kaga yimmi muddooyinkii u dambeeyey dhinaca madaxweynaha Falastiin iyo dawladiisa ayaa aad u kala daadiyey, dadkii ka tirsanaa ee joogay dhinaca daanta galbeedna waxay la kulmeen xabsiyo ciiddamda amanka ee dowladda Flastiin ay la beegsatay.

Waxa intaa u dheer in dawlada Israa’iil ka xidhxidhay in ka badan kumanaan qof,  kana laysay hoggaamiyaayaal aad u tiro badan oo ay ku gaaday dilal qorshaysan.

Guutadani waxay u habaysan tahay qaab dhammaystiran oo sida ciidamada dawladaha ah, inkastoo cunaqabatayn culusi saran tahay hadana waxay adduunka kaga yaabiyeen qaabka mucjisada ah ee ay u samaysan yihiin, sidaas darteed ayaa wargeyska Washington Post khubaradiisa milatariga ee wax ku qoraa ku tilmaameen inay yihiin xubno ciiddan ka tirsan kuwa ugu kartida badan ee maanta adduunka jooga.

Waxay leeyihiin dhammaan qaybaha kala duwaan ee milatarigu leeyahay sida ciidanka dhulka, ciidanka badda, difaaca cirka, shiishyahanada oo ay telefiishanadu baahiyeen sawiro tilmaamaya iyaga oo si yaab leh u shiishaya askarta Israa’iil.

Dagaalada ay galeen ee awoodooda aadka u muujiyey waxay ahaayeen dagaaladii ugu dambeeyey ee dhacay sannadkii 2008-dii ilaa 2009-kii oo ay u bixiyeen dagaalka Furqaan, sidaoo kale waxay galeen dagaalkii loo yaqaanay dagaalka Xijaaratu Sijiil oo dhacay sannadkii 2012-kii iyo dagaalka kale ee ay u bixyeen Casfil Ma’kuul amma Bal la Daaqay.

Aqoonyahanada milatariga ee Israaiil waxay sheegeen in dagaalkani yahay mid fashilyey awooda ciidamadii Isra’aiil, sababta oo ah inay mari waayeen guutada Qasaam iyaga oo ku hubaysan farsamadii ugu dambaysay iyo in Xamaas ay wada hadal la galeen iyaga oo ku adkaysanaya inay dagaalka sii wadaan, waana markii ugu horeysay ee falastiiniyiintu ay duqeeyaan magaalooyin aan waligood la qaadhin sida Talaviv, Hayfa iyo Khudayra oo ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan dawlada Israa’iil.

Waxa yaab noqotay godadkan dhulka hoostiisa ah ee ay kaga soo baxayaan ciidamadii israaiil., taasi oo u saamixi wayday inay gudaha u galaan magaalada Qasa iyo meelaha ku xeeran marka laga reebo dusha oo ay ka duqeeyaan amma madfac meel fod laga soo tuuray oo ay ku garaacaan.

Waxa sirdoonkii Israa’iil ka wareeriyey meesha ay hubka ka helaan, oo ah inay godadka dhulka hoostiisa soo marsadaan wixii sun ah ee ay u baahan yihiin, dahaadhada sarena ay ku samaystaan geerashyadooda, waxa ku jira aqoonyahano yaab leh oo dibada wax ku soo bartay iyo kuwa gudaha joogay oo ay ka go’an tahay inay Israa’iil iska celiyaan.

Waxay ku qasbeen sirdoonka Israa’iil inuu ka cabsado marinka Qasa oo aanu soo dhex gelin halka uu dhulka kale ee dawlada falastiin ka taliso waxay doonaan ka sameeyan.

Qazaam waxay noqdeen ciddii ugu horeysay ee Israa’iil u dirta diyaaradaha wax basaasa iyaga oo dhex galay warbahintoodii oo ku furay borobagaando ka nixisay shicibka reer Israa’iil oo tilmaamaysa in dhiiga caruurta falastiin iyo ka Israa’iil ay isku mid yihiin sidaa darteed ay u diyaar garoobaan mid la mid ah falalka foosha xun ee dawladoodu ku kacday.

Ugu dambayntii dhibaatada ugu wayn ee iminka soo food saartay Xamaas iyo ciiddamadeeda ayaa waxay tahay; dawladihii Carabta oo waqtiyadii hore arrinta Falastiin muhiim u ahayd inay iminka kala qaybsamaan oo ay u kala baxaan dawlado Sucuudigu hoggaaminayo oo ka soo horjeeda nidaamka IKhwaanul Muslimiinka oo Xamaasna ka mid Yahay iyo dawlado taageersan oo Qadar iyo Turkigu ka mid yihiin, natiijadeeduna noqotay in Israa’iil markii ugu horeysay ay Carabta ka hesho taageero caadifadeed oo ah inay Xamaas meesha ka saarto sida ka soo yeedhay Wasiirka arrimaha dibada ee Imaaraadka.

https://www.youtube.com/watch?v=KdlJ32qAovY