Kobcinta Akhriska iyo Habka ugu Haboon ee Qofku u Saxar-tiri Karo Akhriskiisa.

0
893

Waa qormooyin ka kooban 26 Qaybood oo ka waramaya habka ugu haboon ee wax loo akhriyo, Noocyada Akhriska, Waxyaabaha la akhriyo iyo sida loo gurto midhaha laga helo akhriska. Waxa buuggaag badan iyo Qoraalo furan ka soo akhriyey oo soo koobay Cabdilahi Beershiya……

Qaybtii 1aad  

Marka kowaad waxaan Ilaahay ugu mahadnaqayaa fursada wanaagsan ee uu ina siiyey Bisha barakaysan ee Rammadaan oo ah bil qaali ah oo qiime weyn ugu fadhida dadka muslimiinta ah, waa bil inaga mudan inaynu ka faa[iideysano inaga oo nafaheena ku samaynayna dib u eegis iyo wax ka bedel maadaama 11 bilood aynu soo dhex jafaynay waxyaabo badan oo laga yaabo inay dambi weyn inagu ahaayeen.

Hordhacaas kooban ka dib haddii Ilaahay raali ka noqdo waxaan halkan si xidhiidh ah idiinku soo gudbin doonaa qormooyin kookooban oo ka waramaya akhriska iyo waxyaabaha la xidhiidha oo ah horumarka kowaad ee nolosha, waxaan ka soo qaatay oo mus-dambeed (Referance) u noqon doona buuggaag iyo qoraalo furan oo laga sameeyey akhriska iyo sida ugu haboon ee wax loo akhriyo.

Waxa laga yaabaa in dad badan oo maqaaladan arkaa ay hayaan wax ka duwan aragtida aan halkan ku qoray laakiin natiijadoodu ay noqon karto qaar isku mid ah maadaama ay ka wada waramayaan AKHRISka, waxaan adegsan doonaa buuggaag xoog badan oo laga sameeyey sida wax loo akhriyo , haseyeeshee marka ugu horeysa aan ku bilaabo erey bixinta lagu sameeyey kelmeda AKHRIS.

Ereyga AKHRIS wuxuu leeyahay sharaxaado badan oo dhammaantood iskugu soo biyo shubanaya micnaha guud ee ereygani xambaarsan yahay, waxaynu ka soo qadan karnaa erey bixinadan soo socda.

  • AKHRISKU waa fahan iyo dareen lagu garanayo calaamado iyo muuqaalo ku sigib tiran meel cayiman, kuwaas oo uu ka dhexeeyo xidiidh, nafta wax akhriyeysa u sheega in ereyadani leeyihin macnayaal iyo u jeedooyin gaar ah.
  • AKHRISKU: waa hab aqooneed isku tola xarfaha si loo gaadho ereyo la fahmo oo aan maskaxda ku adkaan, sababtoo ah Afku wuxuu ka kooban yahay xuruuf, tilmaamo iyo calaamado dadku isla yaqaanaan si dhexdooda ay isku fahmaan.
  • AKHRISKU waa hab fariin-sida oo u baahan xirfad joogto ah.
  • AKHRISKU waa hawl fikir u baahan oo aan ku eekayn oo keliya in lagu bishqiriiriyo indhaha meelaha ay wax ku qoran yihiin.
  • AKHRISKU waa wax u baahan fikir, fikirkuna wuxuu u baahan yahay joogtayn si xarafka iyo caqliga qofku iskula qabsadaan.
  • AKHRISKU waa hawl aqooneed wax lagu garto laguna fahmo iyada oo la adeegsanayo caqliga, taas oo ka bilaabmaysa talaabooyin caan ah kuna dhammaanaysa erey bixino guud oo ay sidaan xarfaha afku ka kooban yahay.
  • Qoddob muhiim ah: akhrisku dhadhan ma yeesho haddii aanu horumarsanayn akhristuhu sidaas darted ayaa qofka akhristaha ah lagu tilmaamaa cunsurka ugu muhiimsan ee akhriska, sifooyinka lagugartana wax aka mid ah inuu la fal galo akhriska.
  • Waxa jira hal ku dhig ay sameeyeen dadka akhriska ka sheqeeya oo yidhaahda: haddii uu qofku la fal geli waayo wuxuuu akhriyayo maaha akhriste….. Lasoco Qaybaha dambe…