Taariikhda Qur’aanka

0
764

Qormooyin taxane ah oo ka waramaya taariikhda iyo xaladahii kala duwanaa ee Qur’aanku soo maray intii u Nebigu NNKHA noolaa iyo waqtiyadii ka dameeyeyba…. waana Qaybo ka mid ah bug lagu magacaabo QUR’AAN RUUG oo u qoray Cabdilahi Beershiya……. cabdilahibeershiya@gmail.com

Qur’aanku waa kuma? inta badan dadku waxay iskaga gaabsadaan haddii su’aashan la weydiiyo waa hadalkii Ilaahay laakiin sida ay culmada Qur’aanka takhasuska u leh sheegaan waxa lagu ladhaa hadalkaas ereyo kale oo sii wanaajiya amma sii qurxiya qeexdinta Qur’aanka.

Qur’aanku waa hadalkii Ilaahay ku soo dejiyey Nebi Muxamaed NNKHA, isaga oo u sido Malakul Jibriil, waa hadalka Eebe ee ku qoran kutubta dhexdeena taala, kaas oo inagu soo gaadhay derejo aan shaki la gelin Karin (Tawaatur), kelmedihiisa ugu gaagabanna aanu banii’aadamku keeni Karin haddii ay khubaro kasta iskugu yeedhaan.

Marka aynu leenahay waa hadalkii Ilaahay waxa meesha ka baxaya hadalka Rasuulka oo isagu ah waxyi laakiin aan ahayn Qur’aan, sidoo kale marka aynu leenahay wuxuu inagu soo gaadhay derejo aan laga shakiyi Karin waxa aynu uga jeednaa inay meesha ka baxayaan hadalada bah gooniga ah ee keligii socda.

Qur’aanku wuxuu kaga soocan yahay kutubtii ka horeysay ee Anbiyadii hore lagu soo dejiyey dhinaca magacyada oo wuxuu leeyahay magacyo aad u tiro badan oo dhammantood tilmaamaya wanaaga iyo sharafta u gaarka u mutay ee u leeyahay.

Haddaba magacyadiisaas waxa ka mid ah: Al-Quraan, Al- Furqaan, Al-Kitaab, Ad-Dikri, Al-Waxyi, Ar-Ruux iyo magacyo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin oo dhammaantood ku soo arooray nusuusta kala duwan.

Soo dejintii Qur’aanka

Qur’aanku wuxuu soo maray laba marxaladood oo kala duwan marka laga hadlayo qaabkii uu u soo degey waxaanay kala yihiin: inuu mar keliya ka soo degey Lawxul Maxfuudka isaga oo isku dhan oo la keenay sammada kowaad ee adduunka u soo xigta oo uu ku yaalo guri lagu magacaabo gurigii Sharafta lahaa iyo qoddobka labaad oo ah in muddadii u Nebigu dacwada wadey lagu soo dejinayey Qur’aanka oo furfuran oo aan mar keliya wada socon.