Wasaarada Waxbarashada Somaliland: Heerkii Looga Fadhiyey iyo Halka ay Marayso

0
696

Wasaarada Waxbarashada JSL waxay ka mid tahay wasaaradihii ugu horeeyey ee la yagleeyey waqtigii u dalku ku jirey dib u dhiska, isku keenida iyo nabadeynta, waxa madax ka soo noqday wasiiro badan oo kala duwanaa kuwaas oo intooda badan fahansanaa ujeedada waxarashada iyo yoolka laga leeyahay in dib loo aasaaso dugsiyo gebi ahaanba burburay iyo samaynta meelo cusub oo dib u habayn loogu sameeyo waxbarashadii burburtay si dadku u iloobaan xanuunadii kala duwanaa ee ay ka qaadeen dagaaladii ka dhacay dalka.

Haddaba markii dalka lagu soo noqday waxa bilawday in qof kastaa u dib u raadsado meelihii u ka shaqayn jirey waqtiyadii hore ee ay dawladii Soomaaliya jirtay, taasina waxay keentay inay dadku isku habeeyaan qof walba meeshii u afyaqaanay sida dawladaha Hoose, Bangiyada, Wasaaradaha kala duwan, Dekedaha, Eeribootyada iyo goobaha kala duwan ee dawladu ka kooban tahay.

Markii u dalku muddo socday ee muuqaalkii dawladnimo soo baxay waxa bilaabmay ina meelo badan oo goobahaas aan soo sheegnay ah is bedelaan oo ay ku soo biiraan dad badan oo badhaxay dadkii ugu horeeyey ee qabsaday goobahaas oo qabyaalad amma hunguri kaleba u geeyey qabsashadooda.

Tusaale ahaan markii aynu dalka ku soo noqonay waxay dadku iska degeen xarumhii dawlada sida xafiisyadii iyo goobihii waxbarashada oo qaar ka mid ah laga rari kari waayey ilaa loogu ballan qaaday in hanti la siiyo amma meel kale la dejiyo, sidaadarteed ayey jabhadii SNM horaantii sannadkii 1992-kii soo saartay warqad wargelin ah oo lagu amrayo dadka degen goobihii waxbarashada inay iskaga guuraan si loogu bilaabo waxbarashadii caruurta ka soo noqonaysa qoxooniyada ee magaalooyinka soo geleysa.

Inkasta oo aanan dooneyn inaan halkan ku soo bandhigo taariikhda kala duwan ee ay soo martay wasaarada waxbarashadu tan iyo 1991-kii haddana waxa aynu qormadeenan hordheceeda ku xusi doonaa wasiiradii soo maray ee budhiga u ahaa aasaaska Wasaarada Waxbarashada oo mid kastaba looga fadhiyey door muhiim ah haddii u fuliyey iyo haddii u gabood fal ku sameeyeyba, waxaanay kala ahaayeen:

  1. Cabdiraxman Aw CaliFaarax oo ahaa wasiirkii ugu horeeyey
  2. Daahir Maxamed Yusuf oo ku magic dheeraa Daahir Caamiye
  3. Cali Maxamed Warancade oo waqtigiisii bilaabay tartan aqooneedyada KEDIS oo dugsiyadu isku baranayeen iskuna dhex geleyeen.
  4. Axmed Yuusuf Ducaale oo lagu xasuusan doono inuu ahaa wasiirkii ugu horeeyey ee hirgeliyey manhajkii ugu horeeyey ee dugsiyada hoose yeeshaan isaga oo si cad uga so horjeedsaday siyaasada hey’adda Unisco Peer oo doonaysay in dhammaan manhajka Somalidu isku mid noqdo.
  5. Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan Gadhweyne) oo dhamaystirey qaybtii ka hadhsanayd manhajka hoose dhexe sidoo kalena dugsiyada gaarka loo leeyahay u oglaaday inay helaan manhajka daabacan ee dawladu ugu talo gashay ardeyda reer Somaliland inkasta oo dhinaca kalena uu waqtigiisii dalka xoog u soo galay manhajkii UNISCO PEER ugu talo gashay koonfurta Somaliya.
  6. Samsam Cabdi Adan oo ahayd wasiirkii ugu horeeyey ee waxbarashada dawlada Madaxweyne Siilaanyo oo isku dayday inay gudaha wasaarada wax ka qabato, waxase ka hor yimmi caqabado badan oo ay sameeyeen dadka mudada dheer ku raagay ka shaqaynta wasaarada oo yaqaanay turturooyinka wasiirka dhaqdhaqaaqa badan, waxa kale oo ay Wasiir Samsam wax ka bedel ku samaysay manhajka iyada oo fasalada gaar dib u rartay muqararkii loogu talo galay, dhinaca kalena waxay joojisay manhajkii daabacnaa ee dugsiyada gaarka loo leeyahay qaadanayeen taas o sii kicisay xidhiidhka wasaarada waxbarashada iyo dugisyada gaarka ah la siin jirey iyada oo aan bixin wax sabab ah, waxay sidoo kale meesha ka saartay inay dhacaan ardeyda gasha imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare taas oo micno la’aan ka dhigtay dedaalkii ardeydu u geli jireen inay baasaan.
  7. Jaamac Cilmi Geedoole oo sii waday qorshe hore u bilawnaa oo ahaa in dib u eegis lagu sameeyo manhajka waxbarashada Somaliland oo muddo labaatan sano ka badan kala dhinnaa, inkasta oo dhinaca maamulka regaadin badan iyo xadgudubyo lunsi badan ku jiro lagu xaman jirey.
  8. Cabdilahi Ibraahin Habane (Cabdilahi Dheere) wuxuu hirgeliyey qorshaha dhamystirka manhajka wasarada waxbarashada iyada oo wasaaradu ku guulaystay inay daabacdo manhajka Waxbarashada Somlailand inkasta oo aanu u dhamaystirneyn siddii la doonayo hadana noqday tallaabo guul ah, waxase jira is fahan la’aan baahsan oo wasiir kastaa ku hafto taas oo ah dadka ka sheqeeya wasaarada waxbarshada ee xafiisyada iyo dugsiyada ka kooban iyo goobaha ka baxsan ee gaarka loo leeyahay oo dhammaantood ah caqabad aan si hawl yar looga gudbi karayn. waa wasiir ku can baxay go’aan degdeg ah iyo ka laabasho degdeg ah oo xataa dadka ka fog waxbarashada ee aan shaqada ku lahayn ay si weyn u dareemeen.

Waxa intaa barbar socda agaasimayaal iyaga laftoodu muddo dheer soo joogay wasaarada oo ay ka mid ahayeen: Xuseen Cilmi Warsame, Yuusuf Tallaabo, Cali Cabdi Odowaa, Cabdiraxmaan Maxamed Maal iyo agaasimayaal kale oo badan.

Haddaa marka intaas oo dhan laga yimmaado waxa is weydiin karaa wasaaradu ma fidisay jawi ku haboon waxabrashada oo wata yoolkii lagu hagaajin lahaa ummada Somaliland si looga maarmo qabyaalada iyo waxyaabaha kale ee bulshada burburiyey mise waxay daraf ka tahay wasaaradu qaska, boobka iyo hadiimooyinka wadanka ku socda   ? Waa inoo Qormada Dambe………