Blinkist Magazine: Wax Akhrisku waa dhaqanka Dadka Nolosha Guul ka Gaadhay.

0
886

Dadka maanta lagu tiriyo inay nolosha guulo ka gaadheen waxay wadaagaan hal shay oo keliya, maaha maskax badnaan, maaha nasiib wanaag mucjiso ah oo ay la kulmeen laakiin waxay u heelan yihiin akhriska, buugga amma dhiganaha ayey macaash ka raadiyaan .. sidaa waxa lagu daabacay wargeyska Blinkist Magazine oo si faahfaahsan uga waramay dadka maanta adduunka ku caan ah inay hanti haystaan dhaqanadooda wax akhriska iyo siday ugu heelan yihiin inay buuggaagta ruugaan oo ay dhinaca shishe uga baxaan.

Warbixintan oo ay qortay Sandra Wu waxay ku tilmaantay in laba wiil oo ka soo jeeda qoysas faqiir ah oo ka shaqayn jirey meel khudrada lagu iibiyo oo maalintii shaqaysan jirey wax u dhigma $2 ay maanta yihiin ninka labaad ee ugu hantida badan aduunka oo maamula shirkad ballaadhan oo lagu magacaabo Berkshire Hathaway oo midkood u haysto $73 bilyan oo dollar.

Maalqabeenka shirkadan leh oo lagu magacaabo Charlie Munger wuxuu sheegay inuu waqtigiisa 80% ku bixiyo wax akhris, isaga oo yidhi dadku aayar oo dhalatay ayey iska seexdaan laakiin dadka guuleystay sidaa ma sameeyaan………http://www.cnbc.com/2017/05/11/how-warren-buffett-and-charlie-munger-get-people-to-listen.html.

Waxa la mid ah ninka maanta adduunka ugu qanisan ee Bill Gates oo warbaahinta Maraykanku ay ku tilmaameen inuu yahay DIRXIGA  BUUGGAAGTA maadaama u sannadkii dhameeyo in ka abdan 50 buug, waxa aan isaguna ka dhicin sida ay warbixintani sheegtay ninka iska leh shirkada Facebook-ga Mark zukerberg oo toddobaadkiiba hal buug dhameeya.

ugu dambeyntii Blinkist Magazine wuxuu soo bandhigay talooyin qofku wax ku akhriy karo oo u fududeynaya inuu si wanaagsn ula socdo buuggaagta soo baxda iyo sida uu wax u akhri karoba, kaas oo ah App lagu shubanyo mobile-ka halkan ka akhri warbixinta oo dhamaystiran…. https://www.blinkist.com/magazine/posts/reading-habits-of-highly-successful-people?utm_source=outbrain&utm_medium=paid&utm_campaign=20170630_OU_PRO_ReadingHabitsSuccessful_Desktop_Universal&utm_content=0089e02b2adb0fcf4a6f129b3168cd6be6&utm_term=00c8b7efc553fe171cbf510b819e59c606&install_callback=5040dfd8-fee9-455a-8679-3d5cc27a431c.