Dhalashada Nebi Muxamed “CS” Waxay Calaamad u Tahay Nebadgelyada Adduunka

0
620

Ereyga dhaqan amma akhlaaq waa asaaska nolosha banii’aadamka waana halka u ka yagleemo jiritaanka amma jiritaan la’aanta qofku, waa hanti ma guuraan ah oo ay dadku leeyihiin, qof kasta oo nolosha soo maraa wuxuu leeyahay dhaqan isaga u gaar ah sidaadarteed ayaa Nebigeenii suubanaa “NNKHA” wuxuu ku la keliyeystay dhaqan toosan oo qalooc iyo habacsanaan ka madhan oo Alle uga murkhaati kacay.

Mar kasta oo adduunka guudkiisa lagu arko qof dhaqankiisu siloon yahay amma waxyaabaha u samaynayaa baal marsan yihiin dhaqanada iyo milgaha toosan waxa si weyn loo xasuustaa dardaaranadii la yaabka lahaa ee la xidhiidhay dhinaca dhaqanka ee u dadka ku hoga-tusaaleeyey.

Maanta adduunka waxa ka dhacaya dagaalo iyo dhibaatooyin baaxad weyn oo ay sababeen siyaasado qalloocday oo ka madhan toosnaan iyo in maamul kastaa iska sameeyo waxyaabo isaga la toosan amma uu u arko inay maslaxado ugu jiraan, waxa la burburiyey dowladdo badan oo dunida muslimka ka jirey oo maanta ay ku adag tahay inay dib isku ururiyaan sida Ciraaq Suuriya, Liibiya, Masar iyo kuwa kale oo aan lugo adag ku taagnayn.

Dhammaan arrimahaasi waxay natiijadoodu noqotay inuu dhiig badan daato oo dad badan oo aan waxba galabsan ku naf waayaan amma hantidodoodu ku burburto. Tusaale ahaan sida uu soo saaray wargeyska the Lancet ee dalka Ingiriisku intii u dhaxaysay markii dalka Maraykanku ku duulay Ciraaq oo ahayd 2003-dii ilaa 2006-dii waxa lagu dilay 601 kun oo qof halka dalka Suuriya lagu tilmaamo in tobankii daqiiqaba hal qof la dilo.

Haddaba waxa aan hakan si kooban  ugu soo bandhigi doonaa akhlaaqiyaadkii wanaagsanaa ee u Nebi Muxamed “NNKHA” ciidammadii dowladda islaamka ku waanin jirey marka ay duulimaad qaadayaan.

Inta aynaan arrintaa bilaabin waxa aynu u baahan in aynu isla garano aragtida diinta islaamku banii’aadamka ka qabto oo ah inuu yahay abuurka ugu qiimaha badan ee Ilaahay jirsiiyey, iyada oo aan lagu kala saarayn Midabka, Diinta, Goobaha iyo Xilayada ay nool yihiin, waqtigii Nebiga “NNKHA” ayaa waxa la soo mariyey meydka qof dhintay, markii u isha ku dhuftay medkii ayuu  fadhigii ka kacay dabadeed mid ka mid ah dadkii ag joogay ayaa u sheegay inuu yahay qof Yuhuudi ah oo aanu ahayn muslin, wuxuu ugu jawaabay; ” Miyaanu ahayn qof banii’ aadam ah”; isaga oo dareensiinaya ahmiyada ay leedahay nafta aadamuhu.

Ereyga dagaal iyo waxyaabaha ka farcama waxa uu Qur’aanka ku soo arooray lix jeer oo keliya oo u dhigma 4%, halka u ereyga nebadgelyo iyo waxayaabaha ka farcama uu Qur’aanku tilmaamay 140 jeer oo u dhigma 96%, waxa halkaa inooga soo baxday in asalka diinta islaamku yahay nabadgelyo, sidaadareteed ayaa u Rasuulku (CS), dadka baray inay ku dedaalaan mar kasta inay ilaahay weydiisataan NABADGELYO. Sidoo kale waxa u jeclaa magacyada wanaaga tilmaamaya ee naxariistu ku jirto, halka u ka necbaa magacyada dagaalka iyo qaska tilmaama.

ujeedooyinka diinta islaamku ka leedahay dagaalku (Jihaadku) waa kuwa dhinaca wanaagsan u socda; sidaadarteed Nebi Muxamed (NNKHA) xiise  muu u qabin inuu shubo dhiiga dadka,  waana sababta keentay inay culimadu sharax iyo qoraalo badan ka sameeyaan dhammaan axaadiista tilmaamaysa in Nebiga la faray inuu dadka la dagaalamo. haddaba inta aanu dagaalku bilaabmin wuxuu ku boorin jirey hoggaamiyayaasha ciidanka inay marka hore:

  • Dadka ugu yeedhaan diinta Islaamka.
  • Haddii ay diidaan aarrinkaa inay ogolaysiiyaan  inay iskaga dhex noolaadaan dadka muslimiinta ah, iyaga oo bixinaya woxoogaa cashuur ah oo karaanka qofka ku xidhan.
  • Haddii ay diidaana inay dhulka iskaga taagaan, dabadeed  haddii is afgaradyadaasi oo dhan la waayo oo ay  weerar soo qaadaana in la iska celiyo.

Waxyaabaha cajiibka ah ee uu hoggamiyayaasha dagaalka iyo ciiddamadoodaba u sheegi jirey waxa ka mid ah; in haddii dagaal uu bilaabmo in aan la dhoobaysan amma wax kasta aan la samayn, waxyaabaha ugu muiimsan ee la xeerinayayna ay ka mid yihiin;

  • In aan dumarka la layn.
  • In aan caruurta la dilin.
  • In aan qof weyn la waxyeelayn.
  • In aan Hanti la burburin.
  • In aan Ceel qodan la aasin.
  • In aan dhirta la jarin amma la gubin.
  • In qofka islaama la siiyo gacan degdeg ah. …….. Lasoco.