Maxaynu Wax Fiican Nolosheena u Qabsan Weynay?……….

0
546

Waxaynu haysanaa 24 saacadood, ma jiro qof haysta wax ka badan 24 saacadood, haddana waxaynu aragnaa inaynu wax-soo-saarka ku kala fiicanahay, waa maxay sababtu? Maxaase dhaliya inaynu ku kala awood badnaano wax soo saarka iyo shaqada?

Su’aashani maaha mid dhib yar ee waxa in badan is weydiiyey dadka wax ka qora horumarka nolosha iyaga oo tilmaamay in wax-soo-saarku ku fadhiyo afar qoddob oo  muhiim ah, kuwaas oo haddii ay si fiican iskula jaan qaadaan dhaliya in ay wanaagsanaato natiijada wax-soo-saarku.

Wax soo saarka laga hadlayaa maaha oo keliya tacabka beeraha wersheda amma shirkadaha ee hawl kasta oo qofka banii’aadamkaa ah u is leeyahay guul ka gaadh.

  1. Tamar iyo awood  ( Ability)

Haddii aanad awood u lahayn inaad  hawl  si fiican u qabato lagama yaabo in aad natiijo fiican ka gaadho, tusaale ahaan haddii aanad aqoon u lahayn sida gawaadhida loo sameeyo oo aad isku dayno inaad samayso  suurto gal maaha in natiijada ka soo baxda shaqadaadu ay fiicnaato, waxa intaa dheer haddii aad cilmi u leedahay hawsha aad qabatay laakiin ay kaa maqan tahay xirfadii loo qaban lahaa  waa hubaal in natiijada shaqadaadu tahay mid aanad mahadin.

Sidaadarteed ayaa culimada wax-soo-saarka ka hadasha yidhaahdaan… “Wax-soo-saarku wuxuu ku xidhan yahay xirfada  aad leedahay  aqoontuse waa derejada labaad.

  1. Xoojin (Focus)

Marar badan ayey dadka maskaxdoodu kala daadsan tahay oo aanay si xoog ah shayga ugu fiirsan , waa mid ka mid ah waxyaabaha dhaliya inuu qofka wax-soo-saarkiisu xumaado, marka la doonayo in shay laga midho dhaliyo waa in si gaar ah xoogga loo saaraa, si kasta oo aqoon  iyo awood ugu leeyahay ahddii aanu shay ka midho dhalin oo u boqol furimood isku furo waxa ay natiijadiisu noqonaysaa  mid hooseysa amma aanay waxba ka jirin.  tusaale ahaan haddii aad u diyaar garawdo sannadka 2018-ka inaad akhrido buugg tiradoodu gaadhayso 50 buug laakiin marka aad hawsha gudo gasho bisha kowaad aad ku dhex dawakhdo nooca aad akhriyeyso oo kolba aad mid u  boodo waxa ay dhaawaacaysaa natiijada ka soo bixidoonta hawshaa aad qabanayso.

  1. Waqti (Time)

Mar kasta oo u qofku waqti u helo inuu shaqo qabto waxa fiicnaata natiijada shaqadaasi waana mid dadka oo dhammi ay wada garanayaan in qofka ku mashquulsan meelo kala duwan uu had iyo jeer natiijadiisa wax soo saar yar tahay.

  1. Yool (Target)

Dadku haddii ay waqtigoodu ku bixiyaan wax aan nolosha micno u lahayn waxay soo saarkooduna wuxuu ku dambeeyaa wax  la’aan, in noloshu yool yeelaataa waa lagama maarmaan, dadka qaar ayuu yoolkooduba yahay inay magac helaan, qaarna inay lacag helaan qaarna inay dadka taariikh iyo wax qabad uga tagaan sidaadarteed ayaa dhammaan hawlaha kala duwan ee aynu qabsanaa ay u baahan yihiin yool.

Ugu dambeyn haddii afartan  qoddob u midliico wuxuu  dhibaato u geysanayaa kuwa kale oo waxa Meesha ka baxaya in natiijada shaqadu noqoto mid lagu farxo……….