Maxaa Boqortooyooyinka Khaliijka ku Caawiyey inay Sii jirinaan iyaga oo ay Burbureen Dawladihii Jaarkoodu.

0
787

Waxa aan maalmihii ina dhaafay ee ku jirey bisha March 2018-ka akhriyey buug lagu magacaabo  After the Sheikhs: The Coming Collapse of the Gulf Monarchies  oo Af-Soomaali ku noqonaya Odayaasha Ka dib: Burburka ku soo Fool leh Boqotooyooyinka Khaliijka.

qoraaga buuggan oo la yidhaahdo  Christopher M. Davidson , waa aqoonyahan u dhashay dalka Ingiriiska, waana cilmi baadhe ka tirsan jamaacada Durham University ee dalka Ingiriiska oo  uu muddo dheer  u qaabilsanaa baadhitaanka arrimaha siyaasada, sidoo kalena waxa uu in muddo ah ka soo sheqeeyeyey dalka isku taga Imaaraadka Carabta, waa qoraa aad ula socday waxyaabaha ugu muhiimsan ee ka jira wadamada Bariga Dhexe waxaanu ku sheegay  hordhaca buuggan in hindihiisu bilaabay sannadkii 2002-dii, laakiin qoristiisu ay qaaday ilaa inta laga gaadhayey 2012-kii.

Qoraaga buuggan oo borofeseernimo kaga hawl gala jaamacada  Durham,  ayaa si waafi ah uga waramaya sababaha keenay in dawladaha Khaliijku muddo dheer u samaysnaadaan sida ay yihiin,  iyo waxyaabaha la filan karo inay ku dhici karaan marka la daraaseeyo qaab dhismeedkooda siyaasadeed.

Buuggan oo tiro ahaan ka kooban  433 bog, oo xambaarsan lix cutub ayaa  qofka akhriya ee aan hore ula socon waxyaabaha ka dhacaya bariga dhexe, gaar ahaan mawqifyada siyaasadeed ee dowladaha Khaliijka, waxa u aragti ka durugsan ta warbaahinta laga sii daayo ka qadan karaa siday wax u socaan, isagaoo sidoo kalena farta ku tilmaamaya dhinacyada lugta weyn ku leh inay arrimuhu sidan aynu arkayno iskaga ahaadaan.

Haddii aynu ka bilawno tusmada buugga waxa ay qoran thay sidan:

Cutubka kowaad: Bilawga dawladnimo iyo Dhaqaale.

Cutubka Labaad: Falanqaynta Sababaha Jirsiiyey Boqortooyooyinka (Arrimaha Gudaha).

Cutubka Saddexaad: Falanqaynta Sababaha Jirsiiyey boqortooyooyinka                          (Arrimaha Dibbeda).

Cutubka Afraad: Cadaadisyada isa soo taraya ee Gudaha

Cutubka Shanaad: Cadaadisyada isa soo taraya ee Gudaha

Cutubka Lixaad: Burburka soo Socda

 

Image result for Christopher M. Davidson

Cutubka kowaad: Bilawga dawladnimo iyo Dhaqaale.

Cutubkani waa ka ugu muhiimsan buuggan, waxaanu qaadaa dhigayaa taariikhda bilwga Khaliijka iyo ahmiyada u leeyahay, waxa uu  ku tilmaamayaa habka dhaqan-dhaqale iyo taariikheed ee dadka khaliijku  u nool yihiin, isaga oo si xoog ah uga waramaya qaabkii ay u sameysmeen iyo kacdoonadii kala duwanaa ee dhulkaasi ka dhacay, kuwaas oo gogol xaadh u ahaa boqortooyooyinka maanta jira, wuxuu si gaarka ah awooda u saarayaa qoddobo ay ka mid yihiin:

  • Xididada iyo abtirsiinta boqortooyooyinka khaiijka.
  • Ingriiska iyo doorkii u ku lahaa bilawga nidaamka boqortooyooyinka.
  • Xornimadii iyo dhismaha dawladaha khaliijka
  • Dhaqaalaha iyo kobaca nolosha.

Cutubkani waxa u muhiim u yahay qof kasta oo aan aqoon fiican u lahayn taariikhda dalalkaasi iyo sida ay iskugu xidhan yihiin, wuxuu waqti badan gelinayaa siday taariikh ahaan dawladahaasi ahaan jireen intii aanay dhaqaalaha helin.

Wuxuu ku fogaaday sida loo dhiso mujtamac ilbax ah iyo waqtiga ay qaadato, isaga oo soo qaatay qoraalo badan oo arrimaha noocaas ah laga sameeyey, Wuxu barar dhig ku samaynayaa wadamada reer galbeedku siday dadkooda u ilbixiyeen dhinaca aqoonta iyo fahanka dawladnimada iyo sida khaliijku u faquuqeen arrimhaas iyaga oo hanti badan haysta.

Cututbkan waxa marjac u ah oo u aad u soo qaadanayaa buuggaag door ah oo aynu ka xusi karno buug la qoray toddobaatanaadkii oo u qoray nin lagu magacaabo Simon Frederick Peter Halliday oo  lagu yidhaahdo Arabia without Sultans iyo buug kale oo  magaciisu yahay All in the Family oo u qoray Micheal Hurb oo labadooduba si weyn u qaadaa dhigaya dawladaha Khaliijku siday u sameysmeen iyo mustaqbalka halka ay ku dambeyn doonaan.

waa inoo Qaybta Labaad Insha Allaah.