Ka dib markii ay Qirteen Dilka Wariye Khashuqji: Waxa Jira Shan Su’aalood oo aanu ka Jawaabin Sucuudigu

0
358

Dhacdo kastaa waxay leedahay laba sheeko oo is barbar socda mid run ah iyo mid been ah, 17 cisho ka dib markii dowladda Sucuudigu gaashaanka u daruurtay inay ku lug leedahay maqnaanshaha iyo dilka wariyihii Jamal Khashuqji ayey maalintii Jimcaha ee bishu ahayd 19/10/2018 waxay warar hordhac ah ku sheegeen in lagu dhex dilay Qunsuliyada Sucuudigu ku leeyahay dalka Turkiga.

Sida ay ku andacoonayaan madaxda dalka Sucuudigu dilkaasi wuxuu ka dhashay dagaal gacanta ah oo dhex maray wariye Khashuqji iyo xubno ka tirsan Qunsuliyada, iyada oo dowladdu shaacisay inay u tuhunsan tahay arrintaas 18 qof oo ka mid ah shaqaaleheeda ugu awooda badan dhinaca ammaanka.

Waxa xilkii laga qaaday la taliyihii Qasriga Boqortooyada oo lagu magacaabo Sucuud AlQaxdaani oo ahaa gacanta midig ee boqorka iyo dhaxal Sugaha, sidoo kale waxa xilkii laga qaaday ninka awooda badan ee ahaa ku xigeeenka sirdoonka iyo hormoodka ciiddamada Sucuudiga ee dagaalka ku haya dalka Yemmen Axmed Miscari.

Haddaba waxa is weydiin leh muddo dheer oo warbaahinta iyo madaxda dalka Sucuudigu weerar ku hayeen dalka Turkiga iyo warbaahinta xorta ah ee arrintan daba gurka ku samaynayey ayaa ka dib markii ay dowladdu qiratay dilkaasi inuu dhacay waxa la is weydiinayaa shan su’aalood oo aanu weli Sucuudigu ka jawaabin kuwaas oo kala ah:

  1. Haddii uu ku dhintay wariyuhu dagaal gacanta ah iyo muran fudud oo aan loo sii qorshayn xadhig-maleeg mee Meydkiisii?
  2. Muxuu ahaa mawqifka Qunsulka ee albaab kasta u furay kamaradaha adduunka isaga oo ku doodaya kuma jiro halkan ee wuu baxay?
  3. Kooxda dishay ma waxa lagu magacaabaa Kooxda Shabeelada oo wargeyska Washington Post ku sheegay inay yihiin diranayaasha Maxamed Bin Salmaan oo meel kasta ka fulin kara dilal?
  4. La taliyaha Boqortooyada ee xilka laga qaaday Sucuud Al-Qaxdaani ma samayn karaa wax aanay dowladdu la ogeyn?
  5. Go’aan kasta oo la qaato miyaanu ka warhayn dhaxal sugaha oo ah hoggaamiyaha dhabta ah ee dalka Sucuudigu?

Shantan su’aalood waxay warbahinta adduunka qaar ka mid ah ku tilmaameen  inay yihiin kuwa si dhab ah aan loo helin jawaabtooda oo  la filayo inay dowladda Sucuudiga ku yihiin laf dhuun gashay oo muddo dheer aan ka hadhi doonin.