Maqaalkii ugu dambeeyey ee uu Jamal Khashoqji ku qoray Wargeyska Washington Post

0
345

Tifaftiraha u qaabilsan wargeyska Washington Post qurxinta iyo quraarida aragtiyaha caalamiga ah ee la doonayo in lagu baahiyo wargeyskaasi, ayaa maalintii khamiista ahayd ee 17/10/2018 waxa ay soo saartay maqaal ay ku tilmaantay inuu yahay kii ugu dameeyey ee uu wariyhii la diley ee Sucuudiga ahaa Mr. Jamal Khashoqji u soo diro wargeyska ka hor intii aan la waayin.

Tifaftirahan oo magaceeda la yidhaahdo Karen Attiah ayaa sheegtay inuu u soo direy qoraal cinwaankiisu yahay:  Waxay Dunida Carabtu Baahi Weyn u Qabaan waa Xoriyada Hadalka  amma :  What the Arab world needs most is free expression”.  Haddaba maqaalkan oo aad u dheer haddii aynu qaybaha ugu muhiimsan turjunno waxa uu u dhignaa sidan:

“Waxa aan la kulmay maqaal aragtidiisa xambaarsan oo uu soo direy Turjume amma Kaaliye Jamal Khashoqji maalin ka hor intii aanu na soo gaadhin warka sheegaya in lagu waayey magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wargeyska Washington Post waxa uu go’aan ku gaadhay inuu dib u dhigo maqalkaasi ilaa inta la heleyo Jamal si ay fursad noogu noqoto in aanu labadayadu iska kaashano tifaftirka qoraalkaas. Imika waa in aan aqbalaa xaaladaas oo aan u tifaftiraa wargeyska mid ka mid ah maqaaladiisii ugu dambeeyey oo uu kaga waramayo xoriyada dunida Carabta oo sababteeda darteed uu ku waayey naftiisa.

Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Wargeyska Washington Post uu noqdo guri- Saxaafadeedkii  ugu dambeeyey ee uu galo isaga oo fursad noo siiyey in aanu wada shayno”.

Hordhacaa kooban ka dib ee tifaftire Karen Attiah u samaysay maqaalka wariye Jamal Khashoqji ayaa waxay si toos ah u gashay qoraalkiisii dhabta ahaa ee uu wargeyska u direy oo u dhignaa sidan; “ Maalin dhoweyd oo aan internetka ka baadhay warbixin sannadeedka Xoriyada Hadalka Adduunka ee 2018-ka  ee ay soo saartay xarunta Freedom House ayaan ku arkay arrin naxdin badan oo sheegaysa in dawlad keliya dunida Carabta oo dhan ee Xorta ah uu yahay dalka Tunisia halka ay dawladaha Urdun, Marocco iyo Kuwait kaga jiraan dawladaha badh ka mid ah uu xor yahay, inta kale ee soo hadhayna aanay xor ahayn.

Natiijada sababtay arrintan ayaa ah in dadka Carabta ah ee ku dhaqan wadamadaasi aanay arag warbixintan amma la jahawareeriyey oo aanay awood u lahayn inay xaliyaan dhacdooyinka saamaynta tooska ah ku leh noloshooda. Iska daa inay si toos ah uga hadlaane, dowladda ayaa sheegta wax kasta, dadkuna intooda badan ma rumaystaan, sidaadarteed ayey dhibanayaal u noqdeen sheekooyinka been abuurka ah oo aan suurtogal ka dhigayn inay wax is bedelaan.

Markii  uu bilaabmay Guggii Carabtu sannadkii 2011-kii dunida Carabta waxa gashay  himilo, oo wariyayaasha, aqoonyahannada iyo dadkuba ay filanayeen inay heli doonaan dhulkooda oo xor ah, faragelinta dawladaha  ee joogtada ah iyo kaantaroolka warbixinada ayaa si degdeg ah u niyad jabiyey yididiilooyinkaas, taas oo ka dhigtay inay dadku iskaga noqdaan xaaladohoogii hore ee ay ku noolaayeen amma ay waajahaan mid ka daran oo ka qallafsan.

Nin aanu saaxiib nahay oo ah wariye caan ah oo wax ku qora qaar ka mid ah wargeysyada Sucuudiga oo magaciisa la yidhaahdo Saalix Ash-Shuxi ayaa wuxuu waajahay xadhig shan sanno ah oo uu ku mutaystay oo keli ah sababo ay ku sheegeen in aanay dawlada Sucuudigu u bogin qoraalkiisa.

Dawladaha Carabta waxa awood loo siiyey inay aamusiiyaan warbaahinta, waxa jirey waqti  wariyayaashu is lahaayeen internetka ayaa xoreyn doona baahinta wararka iyo warbixinadda kadib markii ay ka daaleen ku xidhnaanta wargeysyo lagu hayo ilaalo joogto ah.

May dhicin taasi oo dowladduhu waxay dhantaaleen internet-kii , waxay xabsiyda ka buuxiyeen wariyayaal badan, meelo kooban ayuu ka sii jiraa dareenkii Guggii Carabtu, dawlada Qatar ayaa sii wada taageeradii ay u haysay in la sheego wararka adduunka halka dawladaha la jaarka ah ay sii wataan nidaamkoodii hore ee gacanta ay ku hayeen warbixinda dadka loo gudinayo.

Qaar ka mid ah warbaahinta Tuuniisiya iyo Kuweyt waa xor laakiin waxay awoodda saaraan arrimaha gudaha oo waxay iska yareen arrimaha waaweyn ee dunida Caratu waajahayso. Carabtu waxay iskaga jiraan xaalad adag oo ay iyagu isku gedaameen oo aan uga iman dibbeda oo sababteedu tahay tartan sed-bursi dhinaca maamulka iyo awoodda ah.

Waxaan go’ansaday in qoraallada aan ku sameeyo wargeyska Washington Post aan u turjumo luqada Carabiga si muwaadinka carabka ah luqadiisa ugu fahmo qoraalkaas, waayo Carabtu waxay maanta u baahan yihiin inay  dhacdooyinka adduunka u fiiriyaan si waafi ah, waxa aynu ka cabanaynaa Maamul Xumo , Faqri iyo Waxbarasho xumo, haddii la helo meelo madax bannaan oo dadku ku kulmaan oo aan dawladi shaqo ku lahayn waxa aynu xal u heli lahayn arrimeheena”   Jamal Khashoqji