Waxa loo Haystaa Dil Wariye Laakiin Wuxuu ku Mashquulsan Yahay Iibsiga Mid ka mid Naadiyada Ugu Qaalisn Adduunka

0
311

Iyada oo marba marka  ka dambeysa uu cirka isku sii shareerayo cadaadisyada siyaasadeed ee adduunweynaha kaga imanaya wiilka Sugaya dhaxalka boqortooyada dalka Sucuudiga ee Maxamed Bin Salmaan kadib markii muddo toban maalmood ku siman la waayey meel u jaan iyo cidhib dhigay qoraagii caanka ahaa ee Jamal Khashuqji ( Khashoggi) ayaa  waxa uu warbaahinta ka soo muuqday wiilka sugaya Dhaxalka Boqortooyada Sucuudiga Maxamed Bin Salmaan oo doonaya inuu iibsado naadiga ugu qaalisan adduunka ee lagu magacaabo Manchester United.

“Wiilka da’diisu soddomeheeyaha tahay oo loo malaynayo inuu ku lug leeyahay dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Khashoggi ayaa ballan la dhigtay guddoomiye ku xiggeenka naadiga Shaydaamada Cascas ( Red Evils) Avram Glazer si ay uga wada hadlaan siddii loogu soo wareejin lahaa dalka Sucuudiga  mulkiyada garoonka Old Trafford oo imika ay maamulkiisa gacanta ku hayaan qoys Maraykan ah.” Sidaa waxa maalintii isniinta boggiisa hore ku daabacay wargeyska The  Sun ee ka soo baxa dalka Ingiriiska.

Wargeysku waxa u intaa ku daray inuu kulankaasi qabsoomi doono kadib marka u dhammaado shirka weyn ee maalgashiga dalka sucuudiga ee dhici doona dabayaaqada bishan tobnaad, shirkaas oo loo bixiyey Daafostii Saxaaraha “Davos in the desert” ayey hey’addo badan oo warbaahinta adduunka ka tirsani qaadeceen ka soo qayb galkiisa kadib markii dawlada Suuudiga lagu eedeeyey inay khaarajisay Jamal Khashoggi.

Dadka sida dhow ula socda siyaasada indho iska tuurka ah ee Maxamed Bin Salman ayaa sheegay inay arrintani tahay mid uu ku majara habaabinayo ra’yul caamka guud ee adduunka oo ku mashquulsan dilka amma maqnaanshaha ku dhacay wariye Jamal Khashoggi.

Dhinaca kale waxa u wargeysku sheegay in damaca iibkani u yahay mid uu tartan kula geleyo qaar ka mid ah  saaxibadiisa kale ee khaliijka sida Imaaraadka oo iibsaday naadiga Manchester City  iyo dalka Qatar oo sheer weyn ku leh naadiga Paris Saint-Germain.

Wargeyska the Sun waxa u warbixintiisan ku sheegay in qoyska leh naadiga Man United aanay diyaar u ahayn inay iibiyaan laakiin jacaylka iyo daba socodka uu Ben Salman u hayo naadiga Man United ay keeni karo inuu bixiyo lacag aan la saadaalin karin ah oo qoyskaasi ku qasbi karta inay ogolaadaan iibkaas.

Tan iyo markii 2015-ki loo doortay inuu noqdo Maxamed Bin Salman dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga waxa u qaaday tallaabooyin keenay muran badan oo mararka qaar khatar geliya siyaasada arrimaha dibbeda ee dalkaasi, waxa u sheegay in dalkiisu soddonkii sano  ee u dambeeyey u khaldanaa isaguna u doonayo inuu dhabada saxda ah ku soo rido, sidoo kale wuxuu xabsiga u taxaabay  muwaadiniin badan oo amiiro, maalqabeeno iyo culimo iskugu jirta oo qaar ka mid ah ay waqtigan xaadirka ah jeelasha ka buuxaan, ugu dambeyna waxa u sheegay in nidaamka wadaadnimda oo uu ugu yeedhay Wahaabiyada dalkiisa ka jirta uu sababta lagu sameeyey iska lahaa reer galbeedku ka dib markii ay dalkiisa ka  codsadeen  in laga yagleelo samaynta ururkaasi.

Jamal Khashoggi waxa uu ka mid ahaa dadka ku dhaliilsan Maxamed Bin Salmaan hadaladaas iyo tallaabooyinka u qaaday, taas oo keentay in  lagu dhex khaarajiyo qunsuliyada uu Sucuudigu ku leeyahay dalka Turkiga.