Warbixinta Xoriyada Saxaafdda ee 2018-ka halkee ayey Kaga Jiraan Soomaalidu?

0
420

Warbixin u soo saaray ururka Saxafiyiinta aan xuduuda lahayn (Reporters without Borders) bishii April ee sannadkan ayuu kaga waramay dalalka adduunku siday ugu kala duwan yihiin xoriyada saxaafada iyo la dhaqanka dadka xog raadinta wada ee ka hawl gala xarumaha warbaahinta.

Warbixintan oo sannadkiiba hal mar la soo saaro oo loo yaqaan World Press Freedom Index ayaa lagu tilmaamaa wadamada ugu wanaagsan dhinaca dhawrista saxaafada iyo saxafiyiinta iyo sidoo kale wadamada aan ku fiicnayn la dhaqanka saxaafada, haddaba marka dalka la qiimeynayo waayihiisa saxaafadeed  wuxuu ururkani adeegsada toddoba meelood oo laga qiyaasi karo dalkaasi, kuwaas oo kala ah:

  • Kala duwanaanshaha saxaafada iyo siday bulshada u metesho
  • Madaxbannaannida saxaafada
  • Degaanka ay ka hawl gasho iyo ilaalada lagu hayo
  • Qaanuunka xadidaya warbaahinta iyo helida macluumaadka
  • Xalaalnimada macluumaadka ay warbaahintu soo saarto.
  • Aqoonta taageeraysa war soo saarida iyo tayada ay leedahay
  • Xadgudubyada lagula kaco saxafiyiinta

Ururkani waxa uu adeegsadaa tirooyin ka billaabma eber oo gaadha boqol, dalka ugu fiicanna wuxuu ku guuleystaa tirada  eber halka uu dalba dalka uu ka tiro badan yahay uu ku suntan yahay inuu saxaafadda ku tacadiyo, sidaa darteed ayaa marka la soo saarayo warbixin sannadkeedkan waxa uu ururku dadka weydiiyaa 87 su’aalood oo lagu turjumay 20 luqadood.

Dalka ugu horeeyeya dhinaca xoriyada saxaafadda waxa  weeyi  Norway, Sweden, Netherland iyo Finland,  halka dalka Somaaliya  uu qiyaasahan ka galay  kaaninta 168,dalka Sucuudiguna ka noqday kaalinta 169, sidoo kale dalka Djabouti waxa uu galay kaalinta 173aad, wadammada ugu dameeyana waxa ka mid ah dalka Sudan iyo Suuriya oo kala galay 174 iyo 177aad.

https://rsf.org/en/ranking