“Waxa aan ka cabsi Qabaa inuu Diintiina idinka kexeeyo amma dhulka idinka kharibo”

0
499

“Waxa aan ka cabsi Qabaa inuu Diintiina idinka kexeeyo amma dhulka kharibo” waa hadal uu kala hortegey Fircoon kacdoonkii hagaajinta ahaa ee Nebi Muuse  (CS) uu waday, hoggaanka aan bulshadiisa ku kalsoonneyn wuxuu adeegsadaa caadifada dadka si uu uga quuso oo uu madaxa uga qarsado dhacdooyinka maalinlaha ah ee maamulkiisa ka hor yimaada.

Waxa halkaa inooga cad in saameynta diintu ka awood badan tahay saameynta wadaniyadda, sidaa darteed ayey diintu tahay awood weyn oo ka faa’iideysashadeedu kooban yahay waqtiyadan dambe, laakiin dadka fahmay waxay helaan dad badan oo naftood hurayaal ah oo lagu fushan karo ajandayaal iyo dano gaar ah, waana ta keentay in aynu adduuunka ku aragno qof dilay dad muslimiin ah amma isku qarxiyey oo u arka inuu jano helayo.

Maxaa keenaya in aynu ka fa’iidasan weyno dareenka diinta inaga oo u jihaynayna dhinaca toosan (positive), oo aynu u soo saari weynay dhakhaatiir daacad ah, aqoonayahano dhawrsoon, wadaado dabacsan, aqoon dururgsan oo iftiin u noqota caalamka, ganacsato naxariis badan, wadooyin samaysan, cusbitaalo nadiif ah, dugsiyo habaysan, goobo waxbarasho oo shidan, ciiddamo dal oo dhisan, wasiir ilaahay yaqaan, madaxweyne xilkas ah iyo umad dhinaca wanaagsan u fikirta.

Diintu waa qawaaniin, tilmaamo, dhaqan iyo jiritaan isku soohan oo aan la kala qaad-qaadi Karin, mar kasta oo lagu dhiirado tafaariiqdeeda waxa soo baxa goldaloolooyin aan hore looga dawoobi Karin, sidaadarteed ayaa Ilaahay koreeye ina faray in aynu islaamka wada qaadano, diintu waa dhaqan ina baraya isku dulqaadashada, is sa-saamixida, is oglaanshaha iyo is jeclaanta halka ay inagala cararayso Cunfiga, Nacaybka, Axmaqnimada, Dhiigyo-cabnimada iyo Tuugada.

Si arrintaa aan u gaadhno waa in la helaa dad dhaafay tafaariiqdaas oo u gudbay jawharka amma ubacda diinta, waa in la helaa ummad aan ku mashquulin dhinaca aragtida  oo keliya ee u gunda-degta dhinaca dhaqan gelinta waana mida  lagu gaadho midhaha ay diintu doonayso.

Casharo, khudbado, muxaadaraad. Barnaamijyo iyo wacdigu wuxuu wax qaban karaa marka si dhab ah loola dagaalamo dulmiga iyo fitnada ee la iskula baxo meel ammaan ah, waxa laga yaabaa in maanta caalamka islaamka lagu arko nin hoggaamiye diineed sheeganaya laakiin uu ka daacadsan yahay nin aan diinta wax badan ka garanayn amma uu uga lexjeclo badan yahay inay wax saxmaan.

Waxa caan noqotay in aynu aragno in loo khaarajiyo adduunka qof aan diinta wax badan ka granayn laakiin u doodaya mid ka mid ah tiirarka waaweyn ee islaamku ku taagan yahay oo ah xoriyada, halka la arki karo wadaad si baadil ah u taageeraya cadaalad darro iyo xuquuq ku tumasho.

Haddaba dalkeena maalmihii la soo dhafay waxay doodiisu taagneyn xeerkii Kufsiga ee madaxeynuhu  saxeexay oo markii culimadu dib ugu noqdeen ka soo saareen ugu yaran 16 qoddob oo uu ku khilaafsan yahay diinta islaamka, waxa arrintaa barbar socday dad kale oo ku doodaya in aanu khaldaneyn, si kastaba ha ahaatee wuxuu  ahaa dhacdo mideysay culimada oo aan loo kala hadhin laakiin marka halkaa la isla dhaafo wadaad kastaa wuxuu ku noqdaa godkiisii iyo kooxdiisii waana qoddob tilmaamaya dhibaatooyinka bulshadeena haysta ee isku xidhnaan la’aantu kow ka tahay.

Dhacdadii Abaaraha, Xeerka Kufsiga iyo Bangiyadii Ribaduba waxay daboolka ka qaadeen awooda culimada ku dhaqan Somaliland oo muujinaysa doorka ay bulshada ku leeyihiin laakiin waxa ilaa iminka inaga dhiman in la saxo qaladaadka bulshada kale ka tirsanayso culimada oo u baahan in la isla fahmo waxay yihiin.

Waxa ugu horeysa is fahan la’aantaas qadiyada Somaliland oo dad badan ku dhaliilaan in aanay culimadu niyada u sii deyn taasina ay yareyso kalsoonida lagu qabo waase qoddob dood laga furi karo si dhinac kasta aragtidiisa arrinta ku saabsan loo fahmo, sidoo kale waxa jira qoddobka gacan ku haynta ilaha dhaqaalaha bulshada sida ganacsiga iyo meelaha la mid ah.

Dhammaan waxyaabahaasi waxay tilmaamayaan in weli aan bulshada kale fahmin doorka wadaadka iyaga oo ka doonaya oo keliya siddii berigii hore ay wadaadada Somalidu ahaan jireen oo ku koonaa Meherka, Xaqa, Mawliidka iyo waxa la midka ah. Maanta waxa soo baxay wadaad hanti haysta , aqoon durugsan leh, siyasad u hanal taagaya kana qay qaadanay waxyaabo badan oo kala duwan. Waxase isaga laftiisa la sii gudboon inuu iska saxo waxyaaaha laga tabanayo oo u ahaado mid warkiisu cad yahay.

Ugu dambeyn diinta islaamku cidna marti uma aha iyada ayaa dhamaystiran hadday tahay dhinaca Siyaasada, Dhaqaalaha, Ruuxda, Cibaadada, Dad la dhanka iyo Jiritaankaba, cid kasta oo ku xiiqda inay isku daydo inay xeerar ku soo kordhiso amma badh ka mid ah xeerarkeeda hor istaagto  amma ku maxaafsato waxa hubaal ah inuu ku dambeyn doono sidii uu Fircoon u yidhi markii laga badiyey’ “Aniguna waxa aan rumeeyey Ilaaha ay reer Banii’israaiil rumeeyeen”.