Salaax Qoosh: Nin Si Ba’an ula Dhaqmay Mucaaridka iyo Dadweynaha Reer Sudan

0
428

Waa madaxa sirdoonka Sudan, Wuxuu isku deyey inuu inqilaabo Xasan Al-Bashiir, wuxuu jeelasha ka buuxiyey cid kasta oo mucaarida dowladda, Waa mid ka mid ah dadka ay raadinayso maxkamada caalamiga ah ee dambiyada dagaalku.wuxuu xidhiidh fiiccan la leeyahay CIA-da.

Dabayaaqadii sannadkii ina dhafay ee 2018-kii waxa dalka Sudan ka bilawday kacdoono dadweyne oo u jeedadoodu tahay inay xukunka ka tuuraan madaxweynaha dalkaas Cumar Al-Bashiir oo muddo soddon sanno ah u talinayey Sudan.

Dadku waxay iskugu soo bexeen magaalooyinka waaweyn iyaga oo waxyeelo ba’an gaadhsiiyey dhismayaasha dowladda iyo xarunta dhexe ee xisbul xaakimka, dhinaca kale dowladdu waxay joojisey adeegsigii baraha bulshada, wadooyinka waaweynna waxay dhoobtay ciiddamada ammaanka.

Dadweynaha ku dhaqan wadankaas iyo warbaahintooduba waxay ka meeraysanayaan inay afkooda soo mariyaan in dhacdooyinkani yihiin kacdoon dadweyne, sababta oo ah waxa laga cabsi qabaa tallaaboyinka uu wado ninka ugu awooda badan nidaamka maamul ee  Cumar Xasan Al-Bashiir oo la yidhaahdo Salaax Qoosh.

Isla sannadkaaasi 2018-kii horantiisii waxa dalka Sudan ka dhacay mudaharaadyo lagu diidan yahay sicir bararka iyo maciishada qaaliyowday oo ka dambeesey markii dowladdu ku fashilantay inay fuliso nidaamka dhaqaale ee ay dadka ugu ballan qaaday.

Fawdadaasi waxay ay keentay inuu madaxweynaha Sudan Al-Bashiir dib u soo magacaabo nin aanu jecleyn oo cadawgiisa kowaad ku jirey oo sannadkii 2009-kii uu xilka ka ruqseeyey laakiin ahaa nin intii uu shaqada hayey  gacan bir ah ku qabtay dhammaan mucaaridkii ka soo horjeeday Al Bashiir.

Mayjar Janaral Salaax Cabdallah oo ku magac dheer Qoosh wuxuu caan ku yahay inuu aamusiiyo kacdoon kasta oo dalkaasi ka dhacay, waana mid ka mid ah hawlaha uu ku jecel yahay madaxweyne Al Bashiir, intii ay  kacdoonada kala duwan ka socdeen dalalka Carabta waqtigii loo yaqanay   Gugii Carbeed dowladda Sudan waxay ka mid ahayd wadamada aan aad uga baqan inuu soo gaadho kacdoonkaasi, sababta oo ah waxa cadaadis badan ku hayey dadka la is leeyahay way abaabulayaan kacdoono, madaxa sirdoonka wadankaas Salaax Qoosh.

Naanayesta Qoosh oo loo bixiyey waqtigii u dhigan jirey jaamacadda Kharduum gaar ahaan kulliyada Injineerinka ayaa loogu magac daray aqoonyahan xisaabta yaqaanay oo u dhashay wadanka Hindiya.

Mr. Qoosh  waxa lagu tiriyaa inuu yahay nin han leh oo hadh u ah madaxweynaha amma isku dhigay inuu yahay ninka labaad ee dalka ka taliya,  wuxuu ka tirsanaa Ururkii Dhaqdhaaqa Islaamiga ah ee Sudan oo uu u qaablilsanaa qaybta warbixinadda tan iyo markii  jaamadacadda  uu ka baxayey oo ahayd 1982-kii, isaga oo la soo noolaa amma goob-joog u ahaa isbedeladii siyaasadeed ee ku dhisnaa inqilaabyada.

Wuxuu la kowsaday yagleelka ciiddamada ammaanka iyo sirdoonka wadankaasi, wuxuu ka mid noqday saraakiisha ugu sareysa, isaga oo markii dambena loo magacaabay madaxa amma agaasimaha guud ee sirdoonka Sudan, waxay dadka mucaaridka ah ee reer Sudan iyo hey’addaha Xuquuqal Insaankuba ku xasuustaan inuu sagaashanaadkii sameeyey  jeelal qarsoon oo loo bixiyey Guryaha Cafaariida (Ghost House) oo aad looga qayliyey.

Wuxuu isku tilmaamay inuu ardey u yahay ninkii haystay sirdoonka dalka Masar ee loo yaqaanay Cumar Sulaymaan, inkasta oo sirdoonka dowladda Masar ku eedeeyey inuu ka dambeeyey sannadkii 1996-kii qorshihii la doonayey in lagu khaarajiyo madaxweynihii Masar ee xilligaas Maxamed Xusni Mubarak oo  ka qayb geleyey shir ka dhacayey dalka Ethiopia.

Waxa loo adeegsaday inuu buburiyo dhaqdhaqaaqii u ka tirsanaa oo xididada u saaray, markii ay isku dheceen Madaxweynaha Sudan  Cumar  Al-Bashiir iyo aqoonyahankii caanka ahaa ee Xasan Al-Turaabi oo ahaa caqliyadii ka dambeysay inay islaamiyiinta reer Sudan qabsadaan xukunka dalkaasi, waxa uu Qoosh bilaabay inuu sirta ururkiisa si weyn ugu quudiyo dowladda, si ilkaha looga guro oo aanay u surtoobin inay dalka wax kacdoono ah ka abaabulaan.

30-kii sanno ee u xilka hayey haystay Al-Bashiir, Mr. Qoosh wuxuu xajistay mansabkiisa, isaga oo jeelka ku hubsaday rag badan oo ay saaxiib ahaayeen amma macallimiintiisa ahaa oo ay isku urur ku jireen sida Xasan Al-Turaabi iyo rag la mid ah.

Sannadkii 2009-kii ayaa xilka laga qaaday Qoosh oo lagu eedeeyey inuu maleegayey afganbi syaasadeed oo ka dhan ah Al-Bashiir oo xataa warbaahinta dalka Maraykanku ay ku sheegtay in dowadda Maraykanku ay la socotay arrintaas oo aanay cidna la wadaagin ogaansheheeda. Lasoco……