Qaybtii 2aad: Maxaa Boqortooyooyinka Khaliijka ku Caawiyey inay Sii jirinaan iyaga oo ay Burbureen Dawladihii Jaarkoodu

0
337

Qaybtii 2aad ee Buuga:After the Sheiks.

Cutubka Labaad waxa uu kaga waramayaa, falanqaynta sababaha jirsiiyey boqortooyooyinka ee arrimaha gudaha, oo uu u qaybinayo qoddobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  1. Qaybinta ilaha dhaqaale iyo sida ay reeruhu u kala helaan maamulka.
  2. Samaynta Labeenta (Dadka Magaca leh) ee wadanka iyo sida looga sareysiiyo qofka muwaadinta ah, ka kale ee soo gelaytiga ah.
  3. Diyaarinta ajaanibka ku noolaan lahaa wadamada khaliijka oo tusaale ahaan:
  • Sucuudiga dadka degen 25% waa ajanabi.
  • Baxreyn dadka degen 50% waa ajanabi.
  • Cuman dadka degen 17% waa ajanabi.
  • Kuweyt dadka degen 70% waa ajanabi.
  • Imaaradka dadka degen 90% waa ajanabi.
  • Qatar dadka degen 80% waa ajanabi.
  1. In la abuuro dad muuqda oo ka tirsan qoyska maamula wadanka.
  2. In gacanta lagu hayo diinta, oo dadka culimada ah dhammaantood laga dhigo dad dowladda u sheqeeya oo ka tirsan.

Cutubka Saddexad waxa uu kaga waramayaa qoddobada arrimaha dibbeda ee jirsiiyey boqortootooyinkan, oo ku tilmaamayo marka la soo ururiyo in saddex tiir oo waaweyn saldhig u yihiin, arrimahaas oo kala ah:

  1. Istiraatiijiyada kowaad oo ah xoojinta xidhiidhka dowladdaha Carabta  dhexdooda, si looga hortago Israa’iil, arrintaasi waxa ay is bedeshay ayuu yidhi qoraagu markii u dhacay duulimaadkii Ciraaq ku qaaday dalka Kuweyt, waxa bilaabmay inay dowladahani u kala dheereeyaan xidhiidh ay la samaystaan reer galbeedka si jiritaankoodu u sii waaro, laakiin waxay u eeg tahay in aanu ahayn qoddob u shaqaynaya sida ay doonayeen, sidaadarteed waxa ay isku dayeen inay raadsadaan bedel kale, waxay awooda saareen qoddobo ay ka mid yihiin:
    inay taageeraan amma ay bixiyaan kaalmooyin dibbeda ah, dhammaan sanduuqyada ay ugu talo galeen inay dibbeda ku caawiyaan waxa ay ku xidhiidhsan yihiin xubno ka tirsan qoysaska  reer boqor, sidaa darteed ayaa had iyo jeer loo bixiyaa magacyadooda meelaha ay maalgaliyeen sida Dugsiyada, Cusbitaalada iyo Masaajidada.

Sannadkii 2006-dii dalka Sucuudigu waxa uu kaalmo dibadeed u bixiyey 4.6% wax soo saarka guud ee wadanka soo gala, sidoo kale dalalka Qatar, Imaaraadka iyo Kuweyt waxa ay kaalmo u bixiyeen 3% hantida guud ee wadamadaas soo gasha.

  1. Dhexdhexaadnimo iyo ka shaqaynta nabadgelyada, odayaasha aasaasay wadamada khaliijku waxa ay caan ku ahaayeen nabad jeclaanta, waxay ka qayb qaateen ciiddamadii nabad ilaalinta ee loo direy Lubnaan 1977, waxay ka qayb qaateen ciiddamadii nabad ilaalinta ee loo direy Somaliya 1992-kii, waxay ka qayb qaateen badbaadintii dhibaatadii Boosniya ee 1995-kii.
  2. Istaraatiijiyada saddexaad waxa ay doorbidaan Arrimaha Dublamaasiyada ( Soft Power) inay ku helaan maalgashiga iyo kalmada Dhaqaale ee ay sameeyaan: waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa; waxa ay iibsadaan sheerer waaweyn oo shirkadaha adduunka ugu qaalisan ku jiraan oo qaarkood ay yeeshaan in ka badan 70%, dal kasta oo khaliijka ku yaal wuxuu sheerer aan la malayn karayn ku leeyahay dhismayaasha, shirkadaha wax soo saara, naadiyada ciyaaraha iyo dhammaan halbowlayaasha dhaqaalaha reer galbeedka.  (Qoraagu wuxuu taxay dal kasta oo Khaliijka ka tirsan inta meelood ee uu iibsaday amma u Sheer ku leeyahay ee ka jira wadamada reer galbeedka).

Cutubka Afraad waxa uu kaga waramayaa mushkiladaha gudaha ee laga yaabo inay khatar geliyaan jiritanka boqortooyooyinkan, oo uu ku soo ururiyey dhowr mushkiladood oo kala ah:

  • Hantida wadanka oo sii yaraanaysa iyo dadka oo badanaya.
  • Shaqo la’anta xorta ah amma qofku iska nacayo inuu shaqaysto, waa arrimo ku batay wadamada khaliijka oo dadku  aanay la tartamayn suuqa amma aanay shaqo niyad u ahayn, gaar ahaan jiilka dambe ee u soo kacaya wadamadaas.
  • Adeegsida hantida wadanka oo aan loo aabo yeelayn, waxa aad arkaysaa qof ka tirsan qoyska reer boqor oo 3 milyan oo dollar ku guursanaya amma gaadhi ku iibsanaya.
  • Faqriga iyo shaqo Xumida oo soo badanaysa, dadka ku dhaqan Baxreyn 15% waa bilaa camal, halka dalka Sucuudiga uu ka yahay 10%.
  • Is qayb-qaybinta dhinaca isirka iyo diinta ayaa khatar ku haya, tusaale ahaan dalka Kuweyt oo keliya ayaa wuxuu u kala qaybsan yahay 106 kun oo jilib, halka imaaraadkuna u yahay inta u dhaxaysa 10 ilaa 100 kun oo jilib, Suuudiga iyo Baxreyna ay ka yihiin kumanaan.
  • Ilaalada iyo ku joogsiga xoriyada dadka.

Cutubka Shanaad wuxuu kaga waramayaa cadaadisyada ka iman kara dibeda ee burburin kara wadamadan oo uu ku tilmaamay:

  • Ogolaansho xad dhaaf ah oo ay soo dhoweysanayaan dadka ajanabibga ah diimohooda iyo dhaqanadooda, tusaale ahaann dalka Imaaraadku sannad kasta waxa toban milyan oo dollar lagu bixiyaa geedka kirismaska, sidaoo kale waa wadanka ugu badan adduunka ee soo dhoofsada Khamriga loo yaqaan Scotch Wisky, isla markaana waxa uu sheer weyn ka iibsaday shirkadda khamaarka ee MGM MIRAGE.
  • Is hubaynta iyo saldhigyada milatari ee ka samaysan. Tusaale ahaan dalka Sucuudigu sannadkii waxa u hub ku iibsadaa 10% ilaa 11% dhaqaalihiisa guud, taas oo ka dhigtay wadanka ugu sareeya arrimhaas.
  • Cadow gasashada dalka Iran oo jaar la ah, laakin iyagu ay u yaqaanaan cadawgooda kowaad oo keenay inay si xoog ah isku hubeeyaan, madaaama ay Iraan tahay dal xoog badan leh. Taasina waxa ay sahashay inay si fudud u fuliyaan danaha reer galbeedka.
  • Xidhiidhaka qaar ka mid ah Khaliijku ay la samaysteen Israa’iil.
  • Qayaabsanaan gudaha oo ku bilaabantay.
  • Fara gelino iyo inqilaabyo kale oo ay ku lug leeyihiin.

Cutubka Lixaad waxa uu kaga waraayaa cinwaan uu u bixiyey (Burburka soo Socda), oo u qoddobo uga dhigay:

  • Mucaarid xoogaysanaya oo kor u socda.
  • Ilbaxnimada dadka oo kor u socota oo aan aqbali kareyn in la kantaroolo.
  • Kacdoonadii carbeed oo ay lid ku noqdeen oo abuurtay cadaawad badan loo qaado.

Ugu dambeyn wuxuu aad ugu dheeraaday wadan kasta oo khaliijka ka mid sida uu u leeyaay mucaarid iyo inta u gaadhsiisan yahay mucaaridkaasi.

Waad ku mahadsan tahay in aad akhriday qoraalkan.. Cabdilahi Beershiya