Waa Maxay Nidaamka Dhaqaale ee Loo Bixiyey Knowledge Economy?

0
385

Cilmi baadhayaasha, khubarada dhaqaalaha iyo siyaasiyiinta adduunku waxay beryihii u dambeeyey ku mashquulsanaayeen siday u sharixi laayeen nidaamka dhaqale ee loo yaqaan Knowledge Economy ( Dhaqaalaha Aqoonta).

Baadhitanadaasi waxa ay diirada saareen siddii loo balbalaadhin lahaa nidaamkan oo maanta ku biirey ilaha ugu muhimsan ee wadamadu ku xisaabtamaan marka laga hadlayo wax soo saarkooda GPD, waxa se xusid mudan in wadamada dunida saddexaad aanay ahmiyad badan siin nidaamka lagu magaacbo Dhaqaalaha aqoonta.

Taariikh Kooban oo ku saabsan Nidaamka Dhaqaalaha Aqoonta

Shaqalaha, Dhulka iyo Raasa-maalku waxay ahaayeen saddexda tiir ee saameeya dhaqaalihii hore ( Traditional Economy), waxa dardar sii geliyey nidaamka cusub ee dhaqaale raadsiga ah ee loo bixiyey Dhaqaalaha Aqoonta ( Knowledge Economy) oo ah nidaam dhaqaale oo ku  fadhiya hal-abuurnimada, maskax badnaanta iyo dedaalada kale ee la xidhiidha  dhinaca  Toombuyuutaradda iyo Tiknoolajiyada, kuwaas oo ka awood batay raasa-maamlkii hore ee lagu qiimeyn jirey dhaqaalaha.

Ururuka Qaramada Midoobay wuxuu  soo saaray in nidaamkan dhaqaale ee cusub uu wax soo saarka wadamada ka yahay  7% halka uu adduunkq guudna ka yahay  10%.

Tobanankii sanno ee la soo dhaafay ayuu nidamkani soo maray isbedelo kala duwan,  gaar ahaan intii uu kordhay adeegsiga internetku, kaas oo shaaca ka qaaday inuu yahay hab ku dhisan macluumaad iyo qaab fududeynaya  in la doorto sida ugu haboon ee dhaqaale lagu samayn karo.

Waxa markii ugu horeysay erey bixintan adeegsaday aqoonyahan lagu magaaabo Peter Druker oo ku qoray cutubka 12aad ee buug uu u bixiyey The Age of Discontinuity, erey bixinta aqoontan, kaas oo uu kaga waramay  dhinacyada kala duwan ee u leeyahay habkani.

Sida lagu tilmaamay baadhistaano badan oo laga sameeyey dhaqaalaha adduunka, waxa uu faraq weyni u dhexeeya labada weedhood ee kala ah Dhaqalaha Aqoonta iyo Dhaqalaha ku dhisan Aqoonta, erey bixinta hore waxa ay tilmaamaysaa tusaale ahaan lacagta lagu bixiyo horumarinta aqoonta, baadhitaanada, hantida lagu bixiyo maareynta iy maamulka iyo tobabarka loo sameeyo dadku inay   dhammaantood yihiin hawlgalo la doonayo in lagu kordhiyo wax soo saarka wadan leeyahay.

Erey bixinta labaad waxa ay sheegaysaa in arrintu intaa ka ballaadhan tahay in dhamaan qaybaha kala duwan ee aqoontu ay ku hoos jiraan nidaamka dhaqaale ee wadan leeyahay oo ka ballaadhan in lagu koobnaado meelo gaar ah.