Jaranjarooyinka Akhriska

0
253

Maqaalkan waxa aan wargeyska Geeska ku qoray sannadkii 2007-kii, 12 sano ka dib ayaan maanta helay isaga oo warqad gacanta ah ku qoran…..
……………………………………………………………………………………
Akrisku waa fahan iyo dareen lagu garanayo calaamado ku sigib-tiran meelo loogu talo galay, sidoo kale waa hawlgal aqooneed oo lagu fahmayo walxo iyada oo la adeegsanayo caqliga, kana bilaabmaya qaadista tallaabooyin lagu beegsanayo ogaanshaha waxyaabo lagu soo gudbiyey xarfaha ay ka kooban yihiin afafka ay dadku ku hadlaan.
Si kale haddii aynu u dhigno akhrisku waxa u ku soo ururayaa qoddobadan hoos ku qoran:
• Waa hab fariin sida oo u baahan xirfad lagu fahmo.
• Waa hawl aan ka maarmin fikir iyo ka shaqaysiinta caqliga oo aan ku soo afmeermin oo keliya in lagu bishqiriiriyo indhaha meelaha ay wax ku qoran yihiin.
• Waa shaqo joogto ah oo lagu carbiyo caqliga laguna dedaalo inay isla fal galaan walxaha lagu dhawaaqayo iyo caqliga qofku si shakhsiyda iyo mawqifka qofku kor ugu kacaan oo aragtiyhiisu ku dhisnaato waxyaabaha u bartay amma u akhriyey.
Isgedgediyada u akhrisku soo maro oo ah shaqo aad u adag oo la bilaabanta hanaqaadka qofka lana dhammaata noloshiisa ayaa loo yaqaanaa jaranjarooyinka akhriksa, waxaana bud-dhig u ah toddoba qoddob oo kala ah:
1. Kala Soocid: waa awooda iyo garashada akhrituhu u leyahay geedi-socodka xarfaha ay wax ku qormaan.
2. Fahan: waa shaqo dabiici ah oo saldhigeedu yahay caqliga oo ka dhalata dabadurka iyo xariirida waxyaabaha ishu ku dhacday ee dhinaca qoraalka khuseeya.
3. Dhamaystirka Gudaha: waa fahanka aasaasiga ah ee ka dhasha walaxda la akhriyayo isaga oo akhristuhu kaashana wax yar oo ka mid ah khibradihii hore ee u lahaa. Dhinaca kalena aan awooda saarayn amma aan isku dhibeyn naxwaha iyo habdhaca ereyada qoraalka sidaa iskugu cayntaaran yihiin.
4. Dhammaystirka Dibbeda: waa Falanqaynta, Naqdinta, Miisaamida, Doorashada iyo Diidmada akhristuu kula kaco qoraalka u isha mariyey, isaga oo xoog u adeegsanaya waayo-aragnimadiisa iyo khibrada akhriseed ee u leeyahay oo ka dhalatay sida uu ula soo noolaa buuggaagta.
5. Kaydin: waa awood xifdi ah oo khristuhu u leeyahay inuu kaydiyo macluumaad cusub oo aanu hore u arag si ay uga mid noqdaan ogaanshihiisa.
6. Xasuus: waa awood qofku u leeyahay inuu dib u soo celiyo waxyaabihii u xifdiyey amma u akhriyey marka uu u baahdo adeegsigooda.
7. Gudbin: waa bindhigida waxyaabihi kaydsanaa ee maskaxdiisa ku jirey isaga oo u soo gudbinaya dhowr nooc oo kala ah:
• Gudbin qoraal ah.
• Gudbin dhawaaq ah.
• Gudbin jidh ah sida ciyaaraha, sawirada IWM.
• Gudbin Fikir ah oo lagu tilmaamo ta ugu dambeysa ee akhristaha wanaagsan u ku soo bandhigo miidka khibradiisa iyo waayo aragnimada noloshiisa, dadka sidaa sameeya oo inta badan bulshooyinka ku yarna waxa loo yaqaanaa Mufakiriin.