Maxamed Mursi: Beeroole Maraykanka Wax ku Bartay Laakiin Indhohoodu aanay Qaban

0
416
CAIRO, EGYPT - AUGUST 08: Former Egyptian President Mohamed Morsi gestures as he stands inside the defendants' cage in a courtroom at the police academy during his trial over espionage with Qatar on August 08, 2015 in Cairo, Egypt. (Photo by Ahmed Omar/Anadolu Agency/Getty Images)

3 Qormo oo ka Waramaya Taariikh Nololeedkiisii, Kifaaxiisii Aqooneed iyo siyaasadeed

Qormadii 1aad.

Maalintii salaasada ahayd ee ina dhaftay waxa geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalka Masar oo ahaa madaxweyne lagu soo doortay mid ka mid ah doorashooyinkii ugu wanaagsanaa ee ka dhacay dalkaasi, inkasta oo   xilka lagaga qaaday hab afganbi milatari ah haddana wuxuu ahaa sida ay tageerayaashiisu sheegi jireen madaxweynaha dhabta ah ee Masar.

Geeridiisu waxa ay dhacday kadib markii uu  miyir doorsoon galay isaga oo taagan qafaskii Maxkamadda ee uu ku dhex jirey waqti ay maxkamadu  dhegeysanaysay dacwad lagu soo oogay oo ku saabsanayd inuu sirta dalkiisu leeyahay u gudbiyey wadanka Qatar iyo ururka Xamaas ee ka jira Falastiin.

Wuxuu geeriyooday isaga oo da’diisu tahay 68 jir, waxaana lagu aasay meel qarsoodi ah kadib markii dowladda dalkaasi ay u diiday inay meydkiisa la wareegaan qaraabadiisu, taas oo ka dhigtay in dhammaan ururuada xuuqal insaanka u doodaa ku dhaleeceeyaan dolwadda Masar inay meel ka dhac weyn ku samaysay xuquuqal insaanka.

Kadib muddo lix sannadood ah oo uu ku xidnaa jeelasha wadankiisa ayaa waxa uu la kulmay Jidh dil iyo Dayac Caafimaad maadama u ahaa nin weyn oo ka cabanayey xanuuno ay ka mid ahaayeen kuwa beerka ku dhaca, Dhiig kar iyo Macaan aad u daran oo mararka qaar keeni jirey inuu miyir doorsoon galo.

Inkasta oo si xoog ah ay iskaga indho tireen warbaahinta dalkiisu inay wax badan ka sheegaan xaaladaha uu ku sugnaa marka laga tago barnaamijyo isaga lagu aflagaadaynayo, haddana wuxuu ku guulaystay in geeridiisu meel kasta oo adduunka ka mid ah gaadho, oo weliba ay noqoto mid ka mid ah waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay ee baraha bulshada lagu qorayo iyada oo ku qoran kumanaan luqadood oo kala duwan.

Wargeyska The Economist https://www.economist.com/middle-east-and-africa/2019/06/17/muhammad-morsi-egypts-only-democratic-ruler-dies-in-court ee ka soo baxa wadanka Ingiriiska ayaa ku tilmaamay qaabka ay dacwada loo haystay u socotayo mid daal badan oo u eeg masrixiyad liidata oo aan dhammad lahayn amma maalinba meel ka curnaysa siddii lagu yaqaanay mid ka mid ah masraxiyadaha ugu dhaadheer adduunka ee uu qori jirey suugaanyahankii Jarmalka ahaa ee  Franz Kafka, sidoo kalena waxa u wargeysku ku tilmaamay in geeridiisu tahay gebogebada wadan u siibtay nidaam kali-talisnimo ah..

Bilawgii Noloshiisa

Bishii siddeedaad ee  sannadkii 1951-kii ayaa wiil yar u dhashay qoys beeralay ah oo degenaa degaanka lagu magacaabo Al-Cadwah oo ka tirsan gobolka Alsharqiyah oo ku yaal dhinaca Woqooyi Galbeed ee magaalada Qaahira, wuxu ka dhashay qoys aabbuhu yahay beeroole weliba aan beerta lahayn ee kireysan jiray dhul si uu uga soo saaro  nolol maalimeedka qoyskiisa.

Hooyadii waxay ahayd gabadh ku mashquulsan rabaynta iyo kobcinta ubadkeeda, sidaadarteed ayaa Maxamed Mursi uu ku dhex koray xaafad muxaafid ah oo haysta daqankii baadiyaha iyo hiigsiga nolol ka wanaagsan tan ay ku jireen.

Wuxu ku indho dilaacsaday qoys aan aabbaha iyo hooyadu aqoon lahayn, marka laga reebo inay xoogsadaan si ay uga maarnaan baahida ay u qabaan dad kale, taas oo ka dhigtay inuu si la yaab leh uga dhex muuqdo waxbarashadiisii Hoose, Dhexe iyo Sare, siddeedaba hiigsiga yoolku wuxuu yareeyaa inuu qofku isku haleeyo nasiibkiisa iyo waxa uu la kulmi doono bilaa hawl, taas oo sababta inay dadku dedaalaan oo ay raadsadaan waxay ku kaaftoomaan.

Wuxuu beegsaday inuu galo dugsiyada ugu wanaagsan iyo jaamacadaha ugu sareeya si uu Meesha uga saaro dhaqanka dadka tuulo joogta ah oo uu ku sifeeyey; “Caajisiin aan danayneyn inay cilmi raadsadaan”.

Wuxuu u guuray magalada Qahira ee caasimada dalka Masar, isaga oo u ku biiray mid ka mid ah  jaamacadaha ugu faca weyn oo lagu magacaabo Qahira University, wuxuu bartay Injineernimo, markii u jamacada ka baxayey  wuxuu ahaa ardeygii ugu sareeyey ee ku guuleystay Honornimada lodkiisa , isla jaamacada ayuu ka billaabay shaqo iyo inuu ka sii wato shahaadada labaad ee Master degree-ga loo yaqaano.

Dabayaaqadii toddobaatanaadkii iyo bilowgii siddeetamaadkii markii Madaxweynihii xilligaas ee Xusni Mubarak uu mamnuucay jiritaanka ururka Ikhwanul Muslimiinka ayaa qaar badan oo ka mid ah xubnihii ururkaas waxa loo ogolaaday inay dibedaha waxbarasho ugu baxan, halka qaar kalena la xidhxiday oo xabsiyada laga buuxiyey, nasiib wanaag Marxuun Mursi  wuxuu ka mid noqday dadkii ku  guulaystay fursadahaas oo wuxuu tegey wadanka Maraykanka oo u waxbarasho u doontay…. Lasoco Maqaal kale.