Maxamed Mursi: Beeroole Maraykanka Wax ku Bartay Laakiin Indhohoodu aanay Qaban

0
196
CAIRO, EGYPT - AUGUST 08: Former Egyptian President Mohamed Morsi gestures as he stands inside the defendants' cage in a courtroom at the police academy during his trial over espionage with Qatar on August 08, 2015 in Cairo, Egypt. (Photo by Ahmed Omar/Anadolu Agency/Getty Images)

3 Qormo oo ka Waramaya Taariikh Nololeedkiisii, Kifaaxiisii Aqooneed iyo siyaasadeed

Qaybtii 2aad:

Wuxuu sannadkii 1982-kii shahaadada PHD-da ka bilabay jaamac ku taal koonfurta gobolka kalafoorniya ee dalka Maraykanka, isaga oo ku takhasusay ilaalinta amma hagaajinta Mishiinada Dayax Gacmeedyada. Intii uu Maraykanka wax ka baranayey wuxuu ahaa nin ku    ad-adag dhaqankiisa iyo diintiisa isaga oo isku dhigay  sida uu ku timaamay wargeyska The Sunday Telegraph, “Waaniye iyo inuu Saxiib dhow inuu u ahaado ardeyda filkiisa ah ee ay isku jaamacada ahaayeen gaar ahaan ardeyda muslimka iyo Carabta ah”.

Wargeyska oo sharaxaya xaalka u berigaa ku sugnaa Dr. Mursi ayaa sheegay; “ Safarkiisa u Maraykanka ku tegey  wuxuu ahaa sugida jirtaan iyo sareyn, wuxu ahaa ehlu diin, wuxuu ku dedalayey inuu helo aqoon iyo inuu u sheqeeyo qoyskiisa, wuxuu ahaa ardey tilmaaman oo ardeyda kale waaniya”.

Markii u jaamacadda dhamaystay waxa uu shaqo ka helay isla jaamacada, taas oo ka dhigtay inuu sii degenaado wadanka Marayknaka isaga iyo xaaskiisa oo la yidhaahdo Najlaa Maxmuud, waxa  halkaa ugu dhashay laba  caruur ah oo markii dambe ku qasbay inay ka guuraan Marayknaka si uu ubadkooda ugu helaan tarbiyo wanaagsan oo wadankooda dhexdiisa ah, sidaana waxa sheegtay xaaskiisa mar ay warbaahintu waydiiyeen sababta ka soo rartay Maraykanka.

Markii uu dalkiisa ku soo laabtay, waxa uu macallin ka noqday jaamacado badan oo ay ka mid yihiin Al-Zaqaaziiq, Jaamaacada Qaahira iyo jaamacada Al-Faatax oo ku taal dalka Liibiya,

Goortii uu ku Biirey Ururka Ikhwaanul Muslimiinka iyo Siyaasadda Dalkiisa

Sannadkii 1977-kii  ayuu si fikir ahaana ugu biiray ururka Ikhwanul Muslimiin, lakiin waxa uu si rasmi ah uga mid noqday ururkaasi sannadkii 1977-kii. Markii dambena waxa uu xubin  ka noqday  xafiiska ururka Ikhwaanka  u qaabilsan Arrimaha Siyaasada oo la aasasay sannadkii 1992-kii, intaa wixii ka dambeeyey wuxuu isku sharaxay golaha barlmaanka ee wadankaasi sannadkii 1995-kii laakiin waxa uu doorashada ku guuleystay sannadkii 2000-kii.

Markii u doorashada helay wuxuu noqday afhayeenka rasmiga ah ee xubnaha ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee ku ku jira Golaha Baarlamaanka, wuxuu dib ugu qayb galay doorashadii 2005-tii oo u helay codad badan laakiin ku celintii labaad la shaaciyey inay kaga guuleysteen xubnihii kale ee uu la tartamayey.

Wuxuu xubin ka noqday urur loo bixiyey ururka la dagaalanka Sahyuuniyada oo laga aasasay gobolkii uu ku dhashay, sidoo kale wuxuu xubin ka noqday isbahaysiyo siyaasadeed oo ay ka mid yihiin isbahaysi ka koobnaa 40 xisbi siyaasadeed oo loo bixiyey Isbahaysiga Dimuqraadiga ah ee Masar. Lasoco Qaybta ugu dambeysa.