Arrimo isku si u Dhaca oo Micno Weyn Xambaarsan Laakiin aan La Dareemin

0
304

Inta badan dadku ma qiimeeyaan inay isku akhriyaan dhacdooyinka isku eeg eeg ee maalin walba soo mara, waxase arrintan isku mashquuliyey oo aragtiyo badan ka sameeyey  dadka  saykoolojiga yaqaan oo  sheegay inay wataan arrimahani  micne cajiib ah oo aan ilaa imika si weyn loo ogaan ujeedooyinkooda.

Inay laba arrimood isku eekaadaan, isku sina ay u dhacaan waxay culimadu u bixiyeen dhacdooyin Isku Lammaan (Synchronicity), aqoonyahankii ugu horeeyey ee arrintaa si weyn wax uga qorayna waxa u ahaa saykoolajiis (Analytical Psychologist) Jarmal ah oo loo yaqaan Carl Gustav Jung.

si aynu u fududeyno aragtidan waxa aynu soo qaadan karnaa sheeko kooban oo ka dhacday wadanka Talyaaniga, boqor la odhan jirey Umberto 1 oo dalkaasi mamuli jirey intii u dhaxaysay 1878-kii ilaa 1900-kii ayaa maalin isaga oo dhex maraya magaalada Roma, waxa u jecleystay inuu iska fadhiisto hudheel qurux badan oo ku arkay magaalada dhexdeeda.

Markii u soo galay hudheelkii ayaa wuxuu isha ku duftay nin  ay isku eeg yihiin oo sidiisa u lebisan, siddiisa timaha u goostay, gadhkana u habeeyey, markii ay dhinac kasta ka istaageen raggii boqorka la socday waxay ka geyn waayeen inuu boqorka u eeg yahay oo laga soo jeexay oo aanay waxba ku kala duwanayn, boqorkii waxa ku dhalatay inuu la sheekeysto ninkaasi, wuxuu weydiiyey magaciisa, wuxuu u sheegay in  la yidhaahdo Umberto oo ah magaca boqorka oo kale.

Waxa kale oo u weydiiyey halka uu ku dhashay, wuxu u sheegay magaalo la yidhado  Turin, isla magaaladaas ayuu boqorkuna ku dhashay, waxa boqorkii ku dhacay woxogaa yaab ah oo uu u maleeyey inuu ku ciyaarayo ninku laakiin wada xaqiiq ah, wuxu sii weydiiyey xilliga u dhashay, ninkiina wuxuu u sheegay inuu dhashay 14-kii March 1844-kii oo Iyana ahayd taariikhdii uu boqorku dhashay.

Boqorkii waxa ku sii badatay faduulinimadii oo wuxuu sii weydiiyey xaas inuu leeyahay iyo in kale, ninkiina wuxuu ku jawaabay; “Haa waxa la yidhahdaa  Maria”,  oo ah isla magaca gabadha u boqorku qabo oo kale ah, boqorkii yaab ayaa u dhammaday waxa kale oo u weydiiyey; “Ma leedahay caruur” ?, wuxuu u sheegay inuu leeyahay wiil keliya oo la yidhahdo Victor, boqorkuna wuxuu lahaa wiil keliya oo la yidhaahdo Victor. Ugu dmbeyntii wuxuu weydiiyey goorma ayaad samaysatay huteelkan quruxda badan, waxaanu u sheegay inuu samaystay taariikhdu markii ay ahayd 9-kii bishii  January  sannadkii 1878-kii oo ahaa isla sannadkii Umberto 1 uu noqday boqorka dalka.

Markii ay intaa is weydaarsadeen boqorkiina uu ku tilmaamay dhacdadani  in aanay caadi ahayn oo  aanu weligii maqal lana kulmin cid ay ku dhacday, sidoo kalena ay tahay mid la yaab leh oo ay  adag tahay in la rumaysto, ayaa wuxuu ka codsay ninkii inuu kala soo qayb galo xaflad balladhan oo qasrigiisa ka dhici doonta si ay farxada habeenkaa u wada wadaagaan maadaama u yahay nin aanay waxba ku kala duwanayn noloshooda oo dhan.

Nasiib daro habeenkii xafladdu ay dhacaysay ayaa ninkii waxa diley niman dabley ah oo ku soo weeraray isaga oo jooga  huteelkiisi, markii boqorkii loo sheegay in la diley ninkii ee u ka murugooday ayaa waxyar ka dib isna lagu dilay xaflada dhexdeedii.

Haddaba marka aynu sheekada noocan ah  eegno waxa inoo soo baxaysa in  adduunka guudkiisa ay ka jiraan malaayiin dhacdo oo noocan oo kale ah laakiin dadku aanay ahmiyad badan siin, taas oo ka dhigtay in aanay muuqan, markii ay dhinac kasta ka istaageen aqoonyahannada Saykoolajigu waxay dhaafin waayeen inuu jiro cid awood badan oo arrimaha noocan ah maamulaysa, haa waa runtood oo adduunka guudkiisa wax kasta oo ka dahacaya waxa maamula Ilaahay Koreeye.