Ku saabsan bogga

Boggan waxa iska leh Cabdilahi Beershiya oo ugu talo galay inuu noqdo mid lagu soo bandhigo qoraallada u sameeyo  ee ku soo baxay wargeysyada amma baraha bulshada, waa bog soo gudbinaya dhammaan qoraaladii u sameeyey Cabdilahi Beershiya hore iyo dambaysaba haday yihiin kuwa la turjumay amma la curiyeyba.

Taariikhda Cabdilahi Beershiya oo Kooban

  • Magaca Qoraaga: Cabdilahi Maxamuud Ibraahin oo ku magac dheer Beershiya.
  • Taariikhda dhalashada 1982-kii.
  • Wuxu waxbarashadiisa hoose iyo dhexe ku qaatay dugsiga Sheekh Cali Ibraahim (EX Biyo Dhacay) ee Hargeysa.
  • Dugsiga sare wuxu dhigtay Gacan Libaax Seconary School.
  • Jaamacada shahaadada kowaad wuxuu ka qaatay jaamacada Admas gaar ahaan kulliyada Daraasaadka horumarinta “Development Studies).
  • Wuxuu shahaadada Masterta ka dhamaystay jaamacada Kampula University isaga oo takhasuskiisu yahay Dublamaasiyada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.
  • Wuxu qormooyin joogto ah ku qoraa wargeyska Jamhuuriya ee Magaalada Hargeysa.
  • Wuxu turjumay buugaag faro badan oo afafka Carabiga iyo Ingiriisiga ku qoran oo dhammaantood ku soo baxay wargeysyada Hargeysa waxaana ka mid ah:
  1. Dreams from My Father oo uu Qoray Obama.
  2. Louds of Poverty oo uu qoray Graman       Hancock.
  3. Plan of attack oo uu qoray Bob Woodward.
  4. Macrikatul faluja (dagaalkii magaalada Faluuja) oo uu qoray Axmed Mansuur.
  5. Suquudu baqdaad (Dhaxal wareegii Baqdaad) oo u qoray Axmed Almansuur.
  6. Axmed Yaasiin (Sheikh Axmed Yaasiin iyo waxyaabihii uu u soo joogay) oo uu qoray Axmed Mansuur.
  7. Usama Bilaa Qanaac (USaamaha Runta ah) oo u qoray axmed Zaydaan oo ka tirsan telefiishanka Aljazeera.
  8. Basaasiintii Dunida ugu caansanaa oo u qoray Ayman Ruus
  9. Faylashii sirta ahaa ee boqorada Carabta oo ay qortay wariye Maraykan ah oo la yidhaahdo Sandara Maki.
  10. Sirta ka dambaysa guulaha waaweyn ee shirkadaha adduunka Oo uu qoray Camru Abu Layla.
  11. Al-qaacidada Yaman.
  12. Baraamijyada horumarinta iyo la dagaaalanka argagixisada.
  13. Aragtidayada dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah oo uu qoray sheikh Maxamed Xaaji axamud Xirsi.
  14. Xasuus Qorkii Sheekh Cabdicasiis Rantiisi
  15. Dilalkii Qorshaysnaa oo u qoray Hanil Khayr.
  16. Taariikhd Erdogan oo uu qoray Dr. Raqib Alsarjaani
  17. Qoraagu wuxuu qoray buugaagta kala ah: Geba-gebadii Waxyiga Sammada, Furaha Salaada, Isbedel-doon iyo buugga Raad oo muddo dhaw soo bixi doona.
  • Qoraagu waa soo saaraha barnaamijka Diinta iyo Nolosha ee telefiishanka HCTV oo uu ku waraystay culimo iyo aqoonyahano tiro badan oo ay ka mid yihiin: Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir, Sheekh Almis, Sheekh Yuusuf Adan, Sh. Cabdilahi Hargeisa, Sh. Ismaaciil Dheeg, Sh. Maxamed Cabdi Da’uud, Sh. Cabdiraxman Bashiir, Sheekh Aden Siiro, Sh. Giire Maydal, Sh. Maxamed aden,  Sh. Cabdiraxmaan Axmed, Sheekh Khayre,     Dr. Cabdilah Walaaleeye, Dr Liibaan, Sh. Cabdilahi Tajwiid, Sheikh Maxamed Xaaji Maxamuud, Sh. Maxamuud Tukaale, Sh. Maxamed Faarax, Sh. Diktoor Faysal, Sh. Xuseen Cisman, aqoonyahan Xasan Jaamac iyo culimo kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin.
  • Qoraagu wuxuu wargeyska Jamhuuriya ku qori jirey sannadkii 2008-dii qormooyin xidhiidh ah oo ay ka mid ahayd qormo toddaobaadle ah oo ka warami jirtay taariikhda iyo waayo-aragnimada siyaasiyiinta iyo aqoonyahada Somaliland (oo laga daabacayo buug), oo la odhan jiray; “Raad-reebka Taariikhda” waxa uu ku waraystay dad badan oo ay ka mid yihiin:
  1. Axmed Maxamed maxamuud (Silaanyo).
  2. Maxamed Xaashi Cilmi
  3. Maxamed Siciid Maxamed (Gees)
  4. Maxamed Jamac Warsame “Fadhi ku salaam”.
  5. Axmed Muxumed Madar
  6. Maxamed baaruud cali
  7. Aqoonyahan Jamal Cali Xuseen.
  8. Maxamud Axmed Cali.
  9. Axmed Ismaciil Xuseen “Xudaydi”
  10. Maxamed-rashiid Sheekh Xasan
  11. Wariye Faysal Fadh-fahdleh
  12. Wariye Xasan Siciid yuusuf
  13. Aqoonyahan Cabdiraxmaan Guri Barwaqo.
  • Qoraagu wuxu khudbada jimcaha ka akhriyaa masaajidka Ibnu Kasiir ee ku yaal xaafada 150 gaar ahaan dhinaca Cabaaye ee magaalada Hargeysa.
  • Waa aasaasaha mareegaha Baraarug.net .
  • Wuxuu ahaa xubin ka tirsan Naadiga Akhristayaasha Hargeysa HRC.

Meelaha lagala xidhiidhi karo.

E-mail …. cabdilahibeershiya@gmail.com amma c.persia@hotmail.com

Youtube: Beershiyachannel

Facebook: cabdilahi Beershiya